|

Wasiir Cadami oo Si layaab leh uga Jawaabay Halka uu ku danbeeyay Heshiiskii Raysal-wasaare-nimo ee Cadami & KULMIYE dhex-maray 2008 iyo Baadhista dilkii Qorilugud!!!

Hargaysa 29.Sep 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa sheegay in loo baahan yahay ku dhiirrashada wax ka beddel lagu sameeyo Sharciga dalka si loogu helo farsamo lagu meeleeyo Beelaha darafyada qaarkood oo ay tahay inay fursad u helaan hanashada Madaxtinnimada iyo hoggaaminta dalka.

CADAMIIWasiirka Gaashaandhiggu waxa uu si farshannimo leh uga jawaabay su’aalo kala duwan oo Weriye Maxamuud Walaaleeye oo Wargeyska Himilo ka tirsani ka weydiiyey baadhista dilkii labada Sarkaal ee Ciidanka Qaranka ka tirsanaa ee toddobaadkii hore ka dhacay Qori-lugud, tuhunno wakhtigii uu Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka ahaa ku xeernaa ku dhawaaqista Natiijadii uu Mudane Daahir Rayaale kaga guulaystay Madaxweynaha hadda talada haya Mudane Axmed-Siilaanyo, heshiis ku saabsanaa inuu Raysal-wasaare noqdo haddii KULMIYE guulaysto oo uu Xisbigaas la galay markuu mucaaradka ahaa halka uu ku dambeeyey iyo qodobbo kale oo xiiso badan.

Wasiir Cadami oo ka jawaabayey wareysi Weriye Maxamuud Walaaleye oo Wargeyska Himilo ka tirsani la yeeshay shalay, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddadii hadal Odeyaasha Guurtidu hore u sheegeen xilli ay ku dhawaaqeen natiijo doorasho, waxaanu u dhacay waraysigaasi sidan:-

S: Wasiir halkuu marayaa baadhitaanka dilkii Saraakiishii Ciidanka Qaranka iyo natiijada illaa wakhtigan la hayaa?

J: Meel fiican ayey maraysaa habeennimadii dilka foosha-xumi dhacay Hargeysa ayaannu ka dirnay afar Sarkaal oo baadhitaanka dilkaa bilaabay, illaa wakhtigan aaggii ayey ku maqan yihiin, illaa Madaxweynahana arrinkaa tallaabo tallaabo ayaa loogu gudbiyaa halkuu marayo, illaa shan Askari ayaa tuhunka kiiskaa u xidhan oo baadhitaanno ku socdaan.

Baadi-doon Cir iyo Dhul ah ayaan ku wadnaa arrinkaas (dilka). Markaan ku leeyahay Cir iyo Dhul, dabcan diyaarado ma lihin innagu, laakiin, haddaad magaalo kale u dhoofto adigoo baadhitaan ah waad kartaa. Haatan xogaha aannu hayno, anigoo faahfaahin dheeraad ah ka bixinaynin waa inuu aagga Buuhoodle joogo gacan-ku-dhiiglihii falkaa foosha-xun geystay, lagana hadhi mayo raacdadiisa illaa gacanta lagu soo dhigayo Insha ALLAAH.

S: Habka is-xambaarka loo yaqaan ee Xildhibaannada Wakiillada qaarkood kaga soo baxeen gobollada Barriga dalka waxa hindisaheeda lahaa adiga, Prof Gees iyo ALLAAH ha u naxariitee Marxuum Axmed Maxamed Aadan (Qeybe), ma la odhan karaa idinkaa isu-lisay? Mase filaysaa inay doorashada soo socota habka codadka ku soo baxaan Xildhibaanadii hore is-xambaarka ugu jiray golaha wakiiladda?

J: Waxaan qabaa ereygaa idinkaa isku-lisay inaanu ku habboonayn, balse waxaan leeyahay dalka ayaannu u lisnay. Intii mugdi lagu jiri lahaa, oo in badan oo calooshooda aanay ka soo go’in Somaliland-nimadu marmarsiinyo ka dhigan lahaayeen doorashadii ayaa nalaga reebay, oo codkiibaa naloo diiday inaan xalkaa keenno. Runtii nin khabiir ah oo dhulal dunida ah oo waxa loo yaqaan aqlabiyadda iyo iqliimiyada ka jirto ka soo shaqeeyey ayaa fikirkii sharciga ku dabakhay.

S: Xilligaad Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka ahayd go’aankii 80-ka cod Xisbigii UDUB aad ku sheegteen inuu kaga guulaystay KULMIYE ma la odhan karaa sababo jiray awgeed waad ku khasbanaydeen (ajburnaydeen) ku dhawaaqistiisa?

J: Wax nalagu ajburay (khasbay) ma jirin, mar walba Komishanka (Guddiga doorashadu) wuu madax-bannaan yahay, kii hore iyo ka immika la dhisi doonaa-ba looma dhiso inuu dawlad u adeego. Marka Koomiishanku fadhiyo ee go’aankii natiijada u kala sheegayo Madaxdii tartantay waa calaamadaha madax-bannaanida iyo dimoqraadiyadda. Cid ogeyd tirooyinka la kala horreeyey ma jirin, dadku wax badan oon jirin ayey iska aamminaan oo fikirkooda iyo hadalkooda iyagaa u madax-bannaan, balse waxaan kuu sheegayaa inaanu jirin xidhiidh wada-shaqeyneed dhaw oo noo dhexeeyey Maamulkii xilligaa ee Madaxweyne Daahir Riyaale hoggaaminayey. Haddaad u jeeddo hoostaa wax-laysaga dhiibay Alxamdulillaah (Allaah mahaddii), dadkii aan aqaannay ee Komiishanka ahaa, kulayl lacageed ma qabin, mushaharkoodaa ku filnaa!.

S: Miyaan la odhan karin tuhunnada shacabka way ku saxsanaayeen, sidii xilli dambeba xubin ka mid ahayd Koomiishanku u caddeysay in sifahii uu Xisbiga UCID ku soo baxay khaldanayd, maxaad taas ka odhan lahayd?

J: Horta, saacaddii wax taagnaayeen ayey ahayd inuu wax sheego ninka wax hayaa, balse xilli natiijadii lagu dhawaaqay, oo lagu kala hagaagay wadwadkeeda iyo wax kasheegeeda Komishan iyo cid kale-toona waa ku xaaraan. Arrinkaana waxaannu markaa ka bixinnay raalli-gelin.

S: Ku-dhwaaqistii natiijadii doorashada ka dib, waxa jiray hadal Odeyadii Guurtidu ku sheegeen “Siilanyo, haddii Saleebaan kula tartamo waan kaaga hiilin lahayn, balse Rayaale waannu kaaga qaadnay!” Sideed dareentay maqalkii Odhaahdaa, miyaanu noqon ereyo sii bayaamiyey tuhunno hore looga qabay Guddiga doorashooyinka iyo natiijadii aad ku dhawaaqdeen?

S: Kkkkkkkkkkk! Wax aan dareemay ma jirin, Odeyaasha intii dhimatay Illaahay ha u naxariisto, inta noolna, Odeygaa Xaaji Cabdikariin (Xaaji Cabdi-Waraabe) waa hoghaamiye nabadeed, taariikh ayuu ku leeyahay dalka. Way ka aragti fogaayeen dadka, sababtii ay hadalkaa u yidhaahdeen ee eedda dusha ugu ridanayeen waxay ahayd si dadku u qanco oo natiijadii soo baxday loo aqbalo. Markii ay noo yimaadfeen talooyinkoodii mid keliya ayaanmu diidnay oo ahayd, sheega natiijada habeennimada ama arooryada hore, balse waxaan u sheegnay inaan ku soconmo jadwal wakhti aanmu raacaynay oo hawl walba xilligeeda ku suntanayd. Markaa, in maanta la yidhaahdo hadalkii Odeyaasha iyo natiijadii Komishanka xidhiidh buu lahaa waa malahii dadka een sheegay, waxba-se kama jiraan.

S: Qoraallo taxane ah oo Prof Maxamed Siciid Gees soo qoro, waxa uu ku sheegay in la joogo wakhtigii qolyaha darafyada qaarkood xilka madaxtinnimada shooggooda loo dhiibi lahaa, inkastoo aanu qeexin waddadii loo mari lahaa, sideed u aragtaa adigu Cadami ahaan, dariiqa loo mari karo?

J: Waxa uu sheegay waxaan qabaa inat tahay wax Somaliland tebayso, balse runtii wax walba wixii ka horreeyey ayaa maqan waa sharciga inna haga ee aynu haysano ee Goleyaasha sharci iyo distoorka ayaa innoo dhexeeya, filashadu way fiican tahay in qofku mustaqbalka sii saadaaliyo, balse bisaylka arrinkaasi waxay u baahan tahay in sharciga lagu dhiirrado oo wax laga beddelo sharciga.

S: Adigu Axmed Xaaji Cali Cadami xilli (2008) hore waxaad Xisbiga KULMIYE heshiis kula gashay in jagada Raysal-wasaare la sameeyo, xagguu ku dambeeyey fikirkaasi, sharciga aad leedahay wax hallaga beddelo-se maxaad ula jeeddaa Wasiir?

J: Immika inkastoo aynu marxaladdii Xisbiyada u gudubnay, oo marxaladda adag oo Beeleedyo hore ayeynu uga nimi, haddana wixii la rabo farsamo looma waayo samaynteeda. Laakiin, waa inaanu ka baxsanaan sharciga iyo dastuurkeena sharcidejintu samayso ee dalkeenna. Arrinka heshiiskii Raysal-wasaarennimada iyo Xisbiga KULMIYE waxaan kaga jawaabayaa sidii odhaah hore nin aannu saaxiibbo ahayn oo reer Cademeed ahaa Maxamed-Uurdoox ugu jawaabay niman hadalka hoos ugu dhigay oo ahayd; “Luqmaanoow-ha faadhfaadhin waxii tegay!” Haatan waxaan ku leeyahay Maxamuud Walaaleeyoow, wixii tegay sidiisa u daa!.

Xigasho Wargeyska Himilo.

 

 

Comments are closed