|

Wasiir Biixi oo shir uga qeybgelaya Qaahira

Qaahira May 23, 2024(QJ) -Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige oo ku sugan magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa maanta ka qeyb galay furitaanka shirka sanadlaha ah ee Hay’adaha Maaliyadda Carabta oo sanadkan lagu qabtay magaalada Qaahira.

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa horumarinta nidaamyada maaliyadeed ee dalalka Carabta, iskaashiga dhaqaalaha, iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha jira.

Shirka ayaa sidoo kale looga hadlayaa saameynta dhaqaale ee dhibaatooyinka Bariga Dhexe ay ku yeelanayaan maaliyadda iyo maalgashiga adduunka.

Wasiir Biixi Imaan ayaa ka soo qeyb galayaasha iyo Hay’adaha Maaliyadda Carabta u soo gudbin doona warbixin ku saabsan halka ay marayaan dadaallada deyn cafinta Soomaaliya, kobcinta dhaqaalaha iyo qorsheyaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dib deyn cafinta.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadli doona sidii hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa Carabta ay Soomaaliya uga taageeri lahaayeen horumarinta dhaqaalaha.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa inta uu shirka ka qeyb galayo waxa uu kulamo labo geesood ah la qaadan doonaa madaxda dalalka kale iyo madaxda Hay’adaha Maaliyadda Carabta ee wada shaqeynta la leh dowladda Soomaaliya.

Comments are closed