Wasiir Afkiisa Ka Sheegay Tirada Kufsiga Hargeysa Ka Dhacay Sagaalkii BIlood Ee Sanadkan Ugu Dambeeyey
Hargeysa:28-Nov-2013(SDN)- Iyadoo uu Maalinba maalinta ka dambaysa sii Badanaya Kufsiga loo Geysanayo Haweenka Reer Somaliland Gaar ahaan kuwa Ku dhaqan Magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu wasiirka wasaraad Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland ku dhawaaqay Tiro koob Naxdin oo ay gacanta ku hayaan.
Wasiirka oo ka Hadlayey munaasibad lagu daahfurayey Maalmaha loo asteeyey in lagu Xuso Tacaddiga loo geysto Haweenka, ayaa tilmaamay inay Sanadkan Sagaalkiisii Bilood ee ugu dambeeyey Diiwaangeliyeen Tiro aad u baddan oo Kufsi ah oo ka dhacay Magaalada Hargeysa ooo Kaliya, “Tacadiyada Haweenka lagula kaco tusaale ahaan waxa Hargeysa ka dhacay 221 Kiis oo Kufsi ah sagaalkii bilood ee ugu horeeyay sanadkan 2013-ka laga soo bilaabo bishii Janaury illaa September, sida ay tilmaamayso xogta Baahi koobka Cisbitaalka Hargeysa, iyadoo ay tiradaasi tahay inta la soo xidhay oo kaliya, balse aanu rumaysanahay inay tiradu intaasi ka badan tahay, goboladda dalkeena oo dhanna arrintani waa mid ka jirta.” Ayuu wasiir Maxamuud Axmed Barre Garaad.
Tiradan uu Haatan ku dhawaaqay wasiirka wasaaradda Arrimaha Bulshadu, ayaa Noqonaysa Tiro aad u baddan oo Naxdin leh, waxana la Aaminsan yahay in Sanadkan Kufsigii ugu Badnaa uu ka dhacay Caasimadda Hargeysa, iyadoo Kufsiyadaas intooda Badani ay ahaayeen qaar loo fuliyey Hannaan Wadareed.
S.D.N