|

Wasaradda Ganacsiga Oo Xal Waarta Ka Gaadhay Muranki Ka Dhaxeeyay Labada Shirkadood Ee Ka Ganacsada Caleenta Shaha Iyo Maamulaha Shaah-Yahan Trading Company Oo Soo dhawayay

shax

Hargeisa 26/8/2014  (SDN/QJ)Maamulaha Shirkada Soo Dejisa Shaaha (Shaah-Yahan Trading Company)  Mudane: Jaamac Cisman Cawale Ayaa Maanta Waraysi Gara ah uu siyay  Shabakada Hadhwanaagnews ayaa Ka waramay Muran Xoogan Oo ka dhaxayay Laba Shirkadood oo ka Ganacsda Caleenta Shaha  Oo Wasaradda Ganacsigu ay Xal waarta ka gaadhay Iyo Go,anadi laga soo saaray Murankaasi

Mudane:Jaamac Cisman Cawale ayaa waxa Usoo Bandhigay Waraqo Cadaynaya inay ka Tanasushay Shirkadi kale ee ay ka dhaxaysay Muranka ku aadan Magaca iyo Astaanta Shirkada Shahyahan waxa kale oo uu shaaca  ka qaaday inay badalayso Magaca iyo Astaantaba Wakan Isaga oo Mudane Jamac ka waramayo waxana u yidhi”Waxa la iisoo Diray waraq Cadaynaysa

inay ka tanaasushay Shirkadi kale oo ay naga dhaxaysay Muranka oo xogan oo ay badashay  Magaci iyo Astaanti aan anigu lahayn ka Shirkad ahaantayada Kadib markii aan isla galnay Gorgortan Dheer oo na dhaxmaray oo Qaatay Muddo Bilo ah hasayeeshe ay maanta Ku Dhamaatay Si Cadalad Ku dheehantahay oo aan Ilahay Ugu Mahad celinayo Mar aan wax ka waydinay Qaylo dhaan Xoogan oo ku aadanayd inu tirsanayay Cadalad daro ayaa waxa uu ku jawaabay “haa marki hore waan tirsanayay hada lakin waa ay ka garabeen Wasaradi iyo Shirkadi kaleba inaanay usocanayn Dulmiga iyo Dulaanka ay soo qadeen Hadana Hore ayay Somalidu ugu Maahmahday Dacaadi Ma Hungowdo” Mar aan wax ka waydiinay Mudadi Muranku Socday iyo Dareenkisa ku aadan Go,aankaasi ay kasoo saartay Wasaradda Ganacsigu ayaa waxa uu ku jaawabay”Waxa ay socotay Muddo Bilo ah Taas wanad iska garanaysa Dhibta ay leedahay lakiin aad iyo aad ayaan ugu Faraxsanahay Go,aanka ay Ka Gaadhay Wasaradu Murankayaga wanan soo dhawaynayaa waxan aan sugaya Muddada nola Qabtay
shax2

Waraqdi lasoo Diray ee Go,aanka laga Gaadhay Xalinta Muranka Labada Shirkadod ayaa waxa uu Dhigna Sidan

“Wasaarada ganacsiga  oo xal waara ka gaadhay murankii labada shirshkadood ee caleenta Shaaha ee  muranka badani  dhexmaray

Waxaa go ,aaan laga soo saaray isqab qabsigii labada shirkadood

1- in ugu danbayn 5/9/2014 ay shirkada shah yacab  anaanay shah calaamda caleenta iyo koobka seesarku  ku dhex jiro uu ku yaalo aanay keeni Karin dalka

2-  waxaa dhamaan ay ka guuraysaa shirkada shah yacab dhamaan astaamaha shirkada shah yahanGeneral tradin  oo ay kamid yihiin

A-bacda sare ee shaahu ku jiro oo ah green ama (doogo)

B-bacda hoose eeshaaha kilo kiiloga ahi ku jiro oo ah yellow ama (cagaar)

3-waxaa shirkada shaahyahan loo sheegay inay labadaa bilood ee ka bilaab maysay 6/7/014 kuna eg

5/9/014  loo ,ogolaaday inay keenaan shirkada shah yacab 3 kon teenar oo shaaha oo leh calaamadaa

Shirkada shaaha keenta ee shah yahan g,tradin”

 

Isku Soo wada Duubo Muddoyinku Udanbayay ayaa waxa labadan Shirkadood ee ka Ganacsada Soo Dajinta Caleenta Shaha uu ka dhaxayay Muran Xoogan oo qaatay Muddo Bilo ahayd Hadana  Hada laga gaadhay Xal Waarta oo ay ku Qanceen Labada Dhinacba

Hargeisa SDN/QJ

Maxamed Aadan Qurbe jog

Concat@somalidiasporanews.com

Comments are closed