|

Wasaaradda War-faafinta oo kulan ay Guul-wadayn ku Raadinayso xafiiskeeda ugu yeedhay qaar ka mid ah mareegaha Somaliland ka hawl gala.

 

agaasimeHargeysa 21-julu-2013 (SDN)Wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland, ayaa  casuumad ugu yeedhy qaar ka mid ah mareegaha ka hawlgala Somaliland, iyadoo hadoodishay ujeedda yeedhmada.

 Martiqaad ayey wasaarmadda warfaafintu ukala geysay maalintii shalay qaar ka mid ah mareegaha Internet-ka ee Somaliland ka hawl gala, iyadoo intii badnayd mareegahana  aan loo geyn warqaddaa martiqaadka ah.

Martiqaadkan ama yeedhamadan, ayaa ah mid uu ku saxeexan yahay  Agaasimaha Guud ee wasaaradda warfaafinta Somaliland Cabdirashiid jibriil yuusuf, iyadoo u jeedadana lagu sheegay  kulan lagaga tashanayo  sidii loo qori lahaa warar xaqiiqda ku fadhiya ama lagu abuurayo jawi Isfahan oo dhex mara mareegaha warbaahineed iyo xukuumadda.

Kulankan oo maanta qorshaysnaa ayaa u baaqday soo dhaweyntii xadka ka baxsanayn ee loo sameeyey wasiirka cusub ee arrimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi yooni oo xukuumaddu aanay u kala hadhin.

Warar hoose oo ku dhaw dhaw wasaaradda warfaafinta ayaa  mareegta somalidiapora u xaqiijiyey in yeedhamda xukuumadda ee mareegaha Internet-ka looga gol-leeyahay sidii mareegaha warbaahineed looga dhigi lahaa kuwa wararka waddanka ka dhacaya aan  dheeli tirin oo u xagliya dhinaca xukuumadda amaba daaha saara wararka sheegaya dhaliilaha iyo Goldaloolooyinka xukuumaddan oo  saska saxaafadu ku badan yahay.

Kulankan oo maanta ka dhici lahaa xarunta wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland, ayaa dib loogu dhigay berri oo Isniin ah, waxana shaki laga qabaa  waxa uu  Daarran yahay, iyadoo shabakado badani ka cudur daarteen inay kulankaas, maadaama maalmahan dambe ay xukuumaddu cadaadis dheeri ah ku haysay warbbaahinta madaxa bannaan ee Somaliland.

Xukuumaddan ka dhalatay xisbiga kulmiye, ayaa caan ku ah tacadiga iyo ku tumashada xuquuqda saxaafadda madaxa bannaan, waxana ay dhawaan Al-baabada isugu dhufatay wargeyska madaxa bannaanaa ee Hubaal oo ka soo bixi jirey magaalada Hargeysa, iyadoo sababtuna ay ahayd warar xaqiiqda ku salaysan oo uu ka qoray xukuumadda, taas oo muujinaysa inaanay xukuumaddani wax teello ah u dhiganayn saxaafadda madaxa bannaan ee Somaliland.

Waxa laga dhursugayaa waxa uu Agaasimaha wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelintu ka yidhaahdo kulankan uu u qabtay mareegaha madaxa bannaan, iyadoo aan martiqaadka si cad loogu sheegin Ajande macquul ah oo kulankaas lagaga hadli doono.

Somalidiaspornews.  Somaliland.

Axmed Cumar Axmed (TIMO) Hargeysa Office.

Comments are closed