Wasaaradda Maaliyadda Somaliland oo Beenisay in Lacag dhan 200 oo Kun oo Dollar looga Saaray Ololaha Murashaxa Muuse Biixi Laba Kastam oo Somaliland Ku yaala DAAWO
Hargaysa 11. September 2017 (SDN/QJ):- Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland iyo Saraakiil Kale oo Wehelisa oo Shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa waxba kama Jiraan ku tilmaamay hadal ka soo yeedhay afhayeenka xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo Sheegay in Kastamada Kala baydh iyo Ka Saylac dhaqaale looga saaray Ololaha Murashaxa iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.