|

Wasaaradda Maaliyada oo Jaangoynaysa Miisaaniyada 2015ka iyo Dalab ay u dirtay Hay’adaha Dawlada

Hargaysa 16.June 2014 (SDN/QJ)-   Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa bilowday dajinta qorshaha sanad miisaaniyadeedka 2015-ka, taasoo falanqaynteeda si rasmi ah loo guda-geli doono bisha August ee soo socota.

wasiir samaaleeeWasiir Samaale waxa uu Wareegtadan waxa uu u kala direy Wasaaraddaha iyo Hay’adaha Dawladda oo uu ku war-geliyey inay masuuliyiinta hay’adahaasi ku soo xareeyaan qorshayaashooda sannad Miisaaniyadeedka 2015-ka xafiiska Waaxda Qorshaynta iyo tirakoobka.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Wareegtada uu u kala diray hay’adaha Dawladda iyo Wasaaradaha waxa uu ku yidhi “Masuuliyiinta wasaaradaha iyo Hay’adda Dawladda waxaan ugu baaqayaa inay ka soo qaybgalaan shirarka lagu falanqayn doono ku talagalka Miisaaniyadda 2015-ka oo bilaabmi doona bisha August, haddii kale waxa ku talagalka miisaaniyadooda u samayn doonta wasaaradda Maaliyadda”

Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa labadii sanno ee uu xilka hayey wasiir Samaale sanadkasta miisaaniyadda wakhtiga loogu talogalay ka Ansixisa Golaha Wasiiradda iyo Golaha Wakiiladda, waxaanay dhaqangalisaa kow-da bisha koowaad ee sanad kasta.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed