|

Wasaaradda Khaarajiga Somaliland: Awr Dabar La’aan dhacay! M. Haaruun

“Sheekada macaan ee dhagaha, layska maqashiiyo

Iyo dawgii muuqday oo si kale, loo macno-macneeyo.

Masiibiyo inay cudur tahaan, marag u haystaaye.” Dhoodaan. Gabaygii Maxaa Iigu Jira, 1968.

 

Is waydii. Awr dabar la’aan xeradii lagu ooday ka soo dhacay, oo oodaha jabsaday muxuu sameeyaa? Dee qorshe la’aan buu jihada wajigiisu ku beeganyahay ugu dhaqaaqaa. Meel cayiman oo uu u jeedaa uma astaysna, muraadka uu leeyahay na uma tilmaana. Saw sidaas ma aha? Wax uu awrkaasi mudan doono – dhimasho, dhereg, bahal dad iyo mid dugaag, iwm uma kala suntana haba yaraatee. In kasta oo uu xayawaan yahay awrku oo garawsho helaayo, hadana Soomaalidu tusaale ayay ugu isticmaashaa cid kasta, qof, qaran iyo qoys, oo qorshe la’aan iska socda. Hab-socodkaas dadnimada ka baxsan ee shabaha ka duunyada cidii lagu arko ba waa lagu ceebeeyaa. Hadii uu qof kaligii ah yahay waa sahaalo, hadii se qaran dhan habka duunyada oo kale loo maamulo, oo la iska wado uun jiho la’aan, waa musiibo wayn.

 

 

 

Umad dhan, oo soo wada taagan, sidee been loogu mamuli karaa? Su’aal wayn weeyaan. Waxan is leeyahay waa laba mid uun – umadda ayaan beenta dan ka lahayn oo iska ogol, ama hadii kale, quus bay joogtaa oo talo ayaan faro ugu jirin. Labadaas waa mid uun. Dhawaanahan (laba usbuuc ba) waxan warbaahinta kala socday, Somaliland oo shir yar oo Nairobi ka dhacaaya u dhuumatay, hadana isla markiiba, ay soo baxeen waraaqo dawladu ay muwaadiniinta iyo ganacsatada u qaybisay oo isla shirkaas uun kaga digayso in la tago. Wa hadal macnihiisu si mutuxan isu diidaay saw ma aha? Carabtu taas oo kale waxay yidhaahaan, (Tanaaqud), Ingiriiskuna, (Contradiction), Soomaaliduna (Is burin). Waa astaan qofka iyo qaran ka midkii lagu arko ba ku ah ceeb aan marmarsiinyo loo heli Karin, waxaanay tilmaan u tahay laba ceebood oo aan kala dhicin midkood uun – (A) karti daro aan laga feejignayn waxa is burinta keenaaya, ama (B) waa khaayin nimo, o il baa daban.

 

“Maxaa qalinku sheekiyo.

Qubanaha dharaartiyo.

Hadba qodob layaab liyo.

Ma hadhooyin qorayaa.”

Maansadii Quduro, iyo Abwaan Hadraawi.

 

Labadaas usbuuc ee buuqu baxaayay, waxan sugaayay bal in jawaab celin noocuun ahi dawladda ka soo yeedho. Waxan eegaayay in uu waxaasi noqdo qalad dhacay oo la qirto, umadana laga raali galiyo, taas oo habka dawladnimada sax ku ah. Hadii kale na, bal in is-diidada la is waaafajiyo, oo Wasaaradda arintu dul joogto iyo Wasiirkaba la macneeyo ujeedkooda, hadii qalad laga fahmay na la bayaamiyo. Labada midna ma dhicin, dawladu na sidii caadada u ahayd kolka ay wax cakirmaan, aamus bay miciinsatay. Aamuska noocaas oo kale ahi laba xaajo midkood buu astaan u yahay, labaduna waa – inaanay masuuliyiinta agtooda waxaasu qalad ka ahayn, iyo in xisaabtankii iyo kala dambayntii masuuliyiintu lumeen, oo aan qof na meesha uu ku magacaabanyahay loogu gali Karin, waxaanan filayaa inay midda dambe tahay.

 

 

Falanqayntan ma kaga doodaayo tagista iyo tagis la’aanta shirkaas, waxan se ka doodayaa, sababta mar kasta ba qalad isku mid ah loo galaayo. Sababta mar kasta ay u muuqanayso in wax lala dhuumanaayo. Sababta mar kastaba, waxa dhabta ah, ee warbaahinta madaxa banaani tabinayso, si ka gadisan oo foolxun la inoogu sheegaayo. Bal u fiirso, dawladdu waxay sheegtay 27 kii bishii May ee ina dhaaftay, inay Qaramada Midoobay Nairobi ugu tagayaan, darsi ku saabsan sida ay Somaliland ula macaamilayaan na u soo dhigayaan. Maalintii xigtay oo ah 28 May, dawladii Somaliland oo ay matalayaan Wakiilka Nairobi Mr Sifir, iyo Wasiirka Khaarajiga, Mr Cumar ayaa lagu arkay iyagoo jooga shir loo qabtay maalgashiga iyo dib-u-dhiska Soomaaliya. Dhamaadkii shirka, Wasiir Khaarajigu saxaafadda ayuu la hadlay, waxaanu dafacay ka qayb galkiisa shirkaasi, mucaaridka oo hadhadlayna, waxba lagama soo qaadin.

 

Shirka meesha ka dhacay (Kenyata Conference Centre), sedan bay qoraaladiisu u dhignaayeen: Somali Reconstruction and investment conference and exhibition – fully endorsed by the Ministry of Commerce and Industry of the Fedral Republic of Somalia – Somaliland, in association with the Somali Chamber of Commerce. = Shirka dib-u-dhiska iyo maalgashiga Soomaaliya, oo ay si buuxda u daba joogto Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dawladda Federal ka ah ee Soomaaliya, oo ay weheliyaan Rugta Ganacsiga Soomaaliya iyo midda Kenya. Sidaas buu shirku isku sheegayaa, sidaas bay saxaafadda Soomaalida iyo ta caalamkuba ku sheegtay, sidaas baa website ka shirka ku qoran, sidaas buu Wasiirka Khaarajiga ee Ingiriiska iyo dublamaasiyiintii Nairobi joogay oo dhami na ku sheegayaan, laakiin Dawladda Somaliland si ka duwan intaba ayay u sheegaysaa. Wasiirka Somaliland shirka uga qayb galay wuxu leeyahay,”Waxan ka qayb galay shir maalgashiga sadex da waddan e Kenya, Somaliland iyo Soomaaliya loo qabtay.

 

Isla 30 kii bisha May, waxa saxaafadda u soo baxday waraaq rasmi ah, oo uu wasiirku ku saxeexanyahay, shaambadii xafiiskiisuna ku taalo, oo ganacsatada Somaliland uga digaysa tagista shirkaas. Waraaqda oo Tixraaceedu ahaa: WAD/WG/43/394/2013, kuna taariikhaysan 25 May, 2013, waxay shirka ku tilmaamaysaa mid ka hor jeeda qadiyadda Somaliland, dawladuna aanay siyaasad ahaan waafaqsanayn in la aado. Waxaas oo kale maxaa lagu tilmaami karaa? Dadka qaar iyo saxaafadda ayaan maqlay iyakoo leh, “Waa fadeexad cusub”, aniga se waxay ila tahay, inaanay fadeexadi ba jirin Somaliland.

 

 

Waxaas oo kale ma dhalan, mana dhici karto inuu qofnaba is waafajiyo. Waa is burin cadaan ah. Dawladda iyo Wasiirkeeda Khaarajigu ma iyaka ayaa doqomo ah, mise dadka oo dhan bay doqomo u haystaan? Sidee baa laba maalmood oo is xiga gudahood la inoogu sheegi karaa inuu shirkaasi mar xaaraam yahay, hadana xalaal yahay, oo waliba danteenu ku jirto? Hadayba se sidaas tahay, oo shirka la tagaayo, maxaa loo sheegi waayay in loo socdo shirka markii la dhoofaayay? Maxaa la inoogu yidhi Qaramadda Midoobay baa loo tagayaa, oo lala garamayaa? Shirka hadii la tagayo, maxay Wasaaradihii Ganacsiga qaabilsanaa iyo Rugtii Ganacsigu u tagi waayeen? Marka aad waraysato masuuliyiinta isla dawladda ku jira, waxay kugu odhanayaan shirkaas ba waxba kama ogin. Kolka aad sii raacraacdo, arintu ba waxay u ekaanaysaa wax kaba madhan shaadhkii dawladnimada.

Isku soo wada duub, Wasaaraddii Khaarajiga ee Somaliland xaalkeeda waxan ka badan waayay inay tahay Awrkaas dabar iyo hogaan la’aanta ah. Duruufta hay’adaas ka taagani dad kooban bay u muuqatay, manta se dadka badankiisa waa u muuqataa. Anigu aad baan u qoslaa kolka aan maqlo iyadoo aqoonsi iyo xidhiidh caalam laga hadlaayo, xaal na aan hoos u ogahay. Qosolka aan sheegayaa ma aha midkii farxadda ee waa kii cadhada iyo yaabku keeni jireen. Waxan ogahay, in talo xumadda iyo qorshe darada jirta aanay meel iga tagaynin, khasaaraheeda na aan si dhab ah wax ugu leeyahay. Waxan ka mid ahay dadka badan ee iska hadal daayay, ee iskaba aamusay midkood, hadana af nooli hadal ma daayee, mararka qaarkood erey hal-dhaanwade ah la soo kaca

“Dal waxaan ku noolahay,

Runtu arag-darraysoo.

Daadihi la yidhi been.

Hadday dunida ceeb tahay,

Dusduskiyo khiyaamadu,

Noo dabeecad weeyaan,.” Gaariye.

 

Qalinka: Maxamed Haaruun – mbiixi@gmail.com

Comments are closed