Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland Oo Lacago Sharciga Baalmarsan Kusoo Rogtay Gaadiidka Madaarka Hargeysa Soo Geliya
Hargeysa:Aug,19,2014(SDN/QJ)-Wasaaradda Duuliska Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland, ayaa lacago dheeri ah kusoo rogtay Gaadiidka soo geliya Garoonka Diyaaradaha ee Cigaal International Airport.
Amarka lacagaha lagu kordhiyey ayaa ka soo fulay wasiir Maxamuud Xaashi, waxana Gaadiidka oo Markii hore laga qaadi jirey $1-Dolar Haatan laga Dhigay $2-Dollar, iyadoo aanay lacagtaasi ahayn mid sharci ah oo Baarlamaanku soo ansixiyey.
Gaadiidka Soo gelaya Garoonka oo intooda Badani u socdaan Soo qaadista ehellada soo degaya iyo sii sagootinta kuwa Baxaya, ayaa si weyn uga cabanaya Lacagtan dheeraadka ah ee sida kediska ah uu wasiirka usoo rogay, waxanna ay cabashadoodu gaadhay dhinaca Golaha Baarlamaanka oo qaarkood ku dhawaaqeen inay Kalsoonida wasiirka Su’aal gelinayaan.
Marka horeba Lacagta Halka Dollar ee Wasiirku ka qaadi jirey Gaadiidka Garoonka soo Geliya, ayaa ahaa sharci-darro, waxase arrintu ay meel sare gaadhay markii uu Haatan sheegay innuu Lacagtaas ka dhigay Laba Dollar, waxana la filayaa in dhawaan Wasiirka Looga Yeedhi Doono dhinaca Golaha wakiillada si wax looga weydiiyo sababta keenay inuu lacagtaas soo kordhiyo.
Wasiir Maxamuud Xaashi oo lagu tilmaamo wasiirrada ugu awoodda Badan Xukuumadda, isla-markaana xilkaas wwasiirnimo hayey ilaa intii xukuumaddu jirtey, ayaa la sheegaa inuu Qaado Tallaabooyin lacag urursi oo isaga u gaar ah, maadaama uu kalsooni badan ka Haysto dhinaca Madaxtooyada oo lagaga dambeeyo maadaama oo uu jawaabo maadays ah siiyo Mucaaridka dalka.
Wasiir Maxamud xaashi wali lacagtan wax cudur daar ah uma uu samaynin, waxana hor taalla su’aal la xidhiidha sababta uu korodhkan ugu tallaabsaday oo la aaminsa yahay inay kaliya ka tahay lacag urursi.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com