Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland oo Daboolka ka qaaday Qorshe Tartanka Ciyaaraha Gobolada Hal Mar laba Gobol ay Marti Gelin Doonaan DAAWO
Burco, 14.July 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka wasaarada ciyaaraha, dhalinyarada iyo dalxiiska Somaliland Mudane Axmed Cabdi Kaahin ayaa faahfaahin ka bixiyay sida ugu suurto-galsan ee labada gobo lee Awdal iyo Togdheer loogu wada qabanayo ciyaaraha gobolada Somaliland ee sannadkan.
Wasiirka ciyaaraha Somaliland oo socdaal shaqo ku jooga magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa waxa uu sheegay in dhawaan la qabanayo ciyaaraha gobolada isla markaana lagu kala ciyaari doono gobolada Awdal Iyo Togdheer isaga oo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yidhi “Waxa la qabanayaa ciyaarihii gobolada. Sida qorshuhu yahay, gobolka Togdheer waxa ku wada ciyaaraya 8 gobol, lix gobolna waxay ku wada ciyaarayaan gobolka Awdal, waxaana ka soo bixi doono min afar gobol kuwaas oo lagu wada ciyaarsiin doono Hargeisa.”
Mudane Axmed Cabdi Kaahi, sidoo kale waxa uu sheegay inay dhib badan tahay in 14-ka gobol meel kaliya loogu wada qabto tartanka ciyaaraha gobolada, waxaanu sharaxay qaabka loogu kala qabanayo labada gobol waxaanu mar kale yidhi “Waa arrin culayskeeda iyo dhibteeda leh, sidii loogu ciyaari jiray wadankii hore ee Soomaaliya la odhan jiray , waa la soo kala hadhi jiray in fudud ayaana ciyaarta gali jirtay, markaa haddii intaas oo dhan layskugu keeno dhib ayey ku tahay cid kasta oo loo geeyo, waana la kala qaybiyey gobolada ciyaaruhuna isku mar ayey dhacayaan.”
Ugu danbayntiina wasiirka ciyaaraha Somaliland waxa uu fariin u diray dadweynaha ku dhaqan gobolka Todheer, waxaanu kula dardaarmay inay soo dhaweeyaan gobolada ay marti gelinayaan, waxaanu yidhi “Ciyaaraha loo soo gartay inay marti geliso magaalada Burco, waxaan leeyahay waa inaad marti galisaan 8 gobol ee ku ciyaari doono Burco waana inay soo dhaweeyaan goboladaas.”
Wasiirka wasaarada ciyaaraha, dhalinyarada iyo dalxiiska Somaliland Mudane Axmed Cabdi Kaahin, sidoo kale waxa uu kormeer ku soo maray gooramada cagaaran ee gaarka loo leeyahay ee ku yaala magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, waxaana kormeerkaasi ku wehelinayay badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye iyo agaasimaha guud ee wasaarada ciyaaraha Maxamed Dhabbeeye.
Agaasimaha guud ee wasaarada ciyaaraha, dhalinyarada iyo dalxiiska Somaliland Mudane Maxamed Dhabbeeye, ayaa isaguna halkaasi ka hadlay, waxaanu hambalyo iyo dhiiri gelin u soo jeediyay dadweynaha reer Burco waxaanu yidhi “Dadweynaha reer Burco aad iyo aad ayaan ugu hambalyaynayaa, waxaanan ku dhiiri gelinayaa in ay si wanaagsan u marti geliyaan tartankaa ciyaaraha gobolada ee is reeb reebka ah ee gobolada bariga, iyada oo Booramena u diyaar garoobayso in ay marti geliso gobolada Galbeedka, siddeeda ka soo baxa ayaanu rajaynaynaa in ay Hargeysa ku ciyaaraan kubad qurux badan, sidana ay kaga soo baxdo kooxdii sannadkan hanan lahayd koobka Somaliland.”
Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye ayaa isaguna halkaasi hadal kooban ka jeediyay, waxaanu sheegay in ay magacaabeen guddidii qaban qaabada ciyaaraha is reeb reebka ah eek a dhici doona magaalada Burco waxaanu yidhi “Waxaanu magacawnay guddidii qaban qaabada ciyaaraha bisha August ka dhici doona gobolka, iyada oo ay isu iman doonaan siddeed gobol oo bariga ah oo ay Burco ugu galbeedayso, lixda kalena Boorame ayay ku ciyaari doonaan, waxaana la isug iman doonaa Hargeysa, wasiirkuna wuu ku dhawaaqay, markaa inaga reer Burco ahaan waxaa la inooga baahan yahay sidii aynu ugu diyaar garoobi lahayn ee aynu uga qayb qaadan lahayn marti gelintaas yar iyo waynba.”.