|

Wasaaradda caafimaadka Somaliland oo Maanta Jawaab soo Daahday Ka bixinaysa Bixitaankii Hay’adda MSF.

xagloHargeysa:18-Aug-2013-(SDN)-Wasaaradda caafimaadka Somaliland, ayaa lagu wadaa inay Maanta oo Axad ah ay Jawaab ka bixiso  waxa uga meel yaalla wasaarad ahaan Buuxintii Adeeggii caafimaad ee Hay’adda Msf  ay dalka ka hirgelin jirtey oo shacabkii heli jirey haatanba dhakhaatiirta ku tabaalaysan yihiin.

Masuuliyiinta caafimaadka Somaliland, ayaa illaa iyo Maalintii khamiistii looga fadhiyey inay shacabkii tabaalaysnaa ee Hay’addaasi daryeelka caafimaad u samayn jirtey inay u sheegaan waxa ay u hayaan, balse waa ay ka cago-jiidayeen ilaa muddadaas.

Saacadaha soo socda ayaa wasaaraddaas laga sugayaa  inay dadkeeda u sheegto sida ay u buuxinayso shaqadii ballaadhanayd ee Hay’addaasi u haysay shacabka Deegaanada Togdheer oo ku qabay Adeeg toolmoon oo ka fiican midka  ay helaan shacabka kale ee wasaaradda caafimaadku xaaladooda gacanta ku hayso.

Lama garan karo jawaabta rasmiga ah ee wasaaraddu bixin doonto, waxase la filayaa inay Hadal ahaan iskaga dhawaaqdo inay buuxin doonto badiba shaqadii ay Hay’ddu dadka u qaban jirtey, lamase oga sida ay u buuxin karto hawshaas oo ahayd mid loo hagar baxay oo aan dhaliil badan lahayn.

 

Shacabka ku dhaqan Gobolka Togdheer ayaa iyagu ka bixiyey bixitaanka Hay’addaas dareen rajo xumo ah, waxana ay tilmaameen inaanay aaminsanayn inay dawladda ka helayaan wixii ay Hay’addaas ka heli jireen, iyagoo shaki badan ka muujiyey adeegga caafimaad ee wasaaradda caafimaadku bixiso.

 

Somalidiasporanews.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

 

Comments are closed