|

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland iyo dhakhaatiirta TB-da oo ku dhawaaqay in Hoos u dhac weyni ku yimi

Hargaysa 03.Oct 2013 (SDN)-Mas’uuliyiinta barnaamijka la dagaalanka Qaaxada Qaranka ayaa maanta si weyn u beeniyey warbixin  uu wargayska Haatuf daabacay maanta oo khamiis ah kuna beegan 3.Oct.2013, warbixintaas oo uu wargaysku ku sheegay in fiditaanka cudurka Qaaxadu uu kor uga kacay deegaanada Jamhuuriyadda Somaliland.

MAS'UULIYIINTA CAAFIMAADKA SOMALILANDMas’uuliyiinta oo maanta ka hadlay xaaladda qaaxadda ee gudaha wadanka ayaa sharaxaad ka bixiyey sida uu cudurka qaaxadu hoos ugaga dhacay halkii uu taagnaa muddo ka hor iyo weliba sababaha keenay in cudurkasi sameeyo hoos u dhaca.

Madaxa barnaamijka la dagaalanka qaaxada Dr Ismaaciil ayaa sheegay in dhamaan  14-ka goobood ee lagula dagaalamo cudurka qaaxada laga soo xaqiijiyey hoos u dhac uu sameeyey cudurka qaaxadu.

Agaasimaha waaxda caafimaadka ee wasaaradda caafimaadka somaliland Dr Cali Sheekh ayaa isna xaqiijiyey in dhamaan xogaha iyo daraasadaha laga sameeyey heerka qaaxada ee dalka ay muujinayaan inuu cudurkaasi maalinba ta xigta hoos uga sii dhacayo meeshii uu marayey.

Madaxa Cisbitaalka Qaaaxada ee caasimadda hargaysa Dr Xergeeye ayaa isna tilmaamay in marka laga qiyaas qaato dadka cusub ee imanaya cisbitaalada qaaxada ay caddahay in cudurkaasi ka sii yaraanayo derejadii uu hore u taagnaa, isagoo Diktoorku ku sababeeyey hoos u dhaca ku yimid cudurka mid ay keentay dawada bilaashka ah ee la siiyo bukaanka.

Madaxa wacyigelinta ee barnaamijka la dagaalanka qaaxada Xasan Sh Nuux Furre ayaa isna sheegay in aanay waxba ka jirin faalada wargayska Ogaal ee ku saabsan in cudurka qaaxadu kor uga kacay Somaliland waxana uu sharaxay sida ay wacyigelintii barnaamjika ka qayb ahayd ay u keentay in dadku ay yimaadaan cisbitaalada isla markaana iska baadhaan cudurka qaaxada taasoo iyaduna sabab u noqotay in uu hoos u dhaco cudurka qaaxadu.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed