Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Hadal Yididiilo leh Ka Sheegtay Diiwaangelinta Muwaadiniinteeda
Hargeysa: 6-Oct-2013(SDN)-Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde ayaa markii ugu horraysa sheegay in Somaliland Guud ahaanba laga bilaabi doono Diiwaangelinta Shacacabka oo in muddo ahba la sugayey.
Wasiir warancadde oo maalintii shalay waraysi siiyey qaar ka mid warbaahinta dalka Somaliland, ayaa xusay in Wakhti kooban Gudihii dalka laga higelin diiwaangelintaas oo uu ku sheegay mid muhiim u ah Somaliland, “Waxanu Doonaynaa inaanu Muddo Gaaban oo Sagaal Bilood ah ku dhammayno oo Qof waliba warwaddii Qoyska iyo Tiisii dhalashadaba uu Helo, waayo haddii la garan waayo qofkii inuu somalilaner yahay in in kale dhib bay inagu keenaysaa.” Ayuu yidhi wasiir warancadde.
Sidoo kale waxa uu wasiir warancadde sheegay inaanay diiwaangelinta Haatan la gudo gelayo ee la xidhiidha dadka shacabka ahi aanay wax dhibaato ah u gaysanayn diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha oo iyadana la sugayo in dalka laga bilaabo xilliyada soo socda, waxana uu yidhi, “arrintan aanu haatan gudo gelayno ee Diiwaangelinta dadka shacabka ahi waa arrin maamul, wax dhibaato ahna kuma laha Diiwaangelinta Codbixiyayaasha, wayna is caawinayaan oo kaliya, muhiimaddayaduna waa in dadka somaliland ku dhashay caddaadaan oo meeshan qof waliba aanu iska imanin kuna dhex dhuumanin.”
Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in waddanka sida ugu dhakhsaha badan loo keeni doono qalabkii diiwaangelinta dadka shacabka ah loogu talo galay, isagoo sheegay inay Gobolada iyo Degmooyinka u kala diri doonaan agabkaas iyo ciddii ka shaqayn lahaydba, waxana uu dadka ugu baaqay inay ilaashadaan Waraaqaha dhalashadooda marka la siiyo, waxana uu yidhi, “dhawaan baa la keenayaa qalabkii dadka shacabka ah lagu diiwaangelinayey, waxana aan ugu baaqayaa shacabku marka aanu qalabkaas iyo shaqaalihiisaba geyno Gobolada iyo Degmooyinka Dalka inay is qoraan oo soo wada xaadiraan, waraaqaha la siiyana waa inay ilaashadaan, waayo mar haddii diiwaangelintaasi inoo dhacdo wax kastaa waxa ay inagaga xidhnaan doonaan waraaqaha aynu qaadanayno.”
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa sida laga warqabo dhawaan Bilaabi doonta Diiwaangelina dadka shacabka ah ee reer Somaliland, waxana arrintaas iyana la filayaa inay garab socoto ama wax yar ka dambayso diiwaangelinta codbixiyayaasha oo waddanku baahi weyn u qabo.
Waa markii ugu horraysay ee wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, Cali Maxamed warancadde uu si toos ah uga Hadlo arrimaha la xidhiidha Diiwaangelinta dadka shacabka ah oo in muddo ahba la sugayey sidii loo bilaabi lahaa.
S.DN
Contact@somalidiasporanews.com