Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya Oo Soo Rogtay Amar Jaahwareer Badan Dhaliyey Oo Ay Fulintiisu Adag Tahay
Nairobi:22-April-2014(SDN/QJ)-Amar cusub oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Kenya ayaa waajibiyay in xog laga ururiyo dadka guryaha kireeysta, kaas oo mulkiileyaasha halis u galinaya inay si muddo gaaban ah ku waayaan guryahooda iyo dakhliga ka soo gala kirada.
Amarkan ayaa sidoo kale waxa ka dhalan karaya in macluumaad muhiim ah oo dadku leeyihiin ugu gacan geli karo gacanta dad aanay ku Haboonayn.
Amarka cusub, oo dhaqan-galaya 1-da May, ayaa xukuumadda awood u siinaya inay la wareegto dhismeyaasha ganacsiga iyo kuwa la dego oo looga shakiyo inay hoy u ahaayeen dambiileyaasha, sida uu sheegay Xoghayaha Xukuumadda ee Arrimaha Gudaha iyo Xidhiidhinta Xukuumadda Qaranka Joseph Ole Lenku.
“Amnigu wuxuu yahay lagana rabaa inuu noqdo mas’uuliyad la wadaago,” ayuu yidhi Lenku. “Si aan qof walba ugu waajibinno inuu qaado mas’uuliyaddan, waxaan ka bilaabeeynaa milkiileyaasha oo aan ka dooneeyno inay macluumaad ka qaadaan qof walba oo guri kireeysanaya oo ay u oggolaadaan inuu dago guryahooda.” Ayuu ku daray Hadalkiisa Lenku
Wuxuu sheegay in bilaysku ay dhib kala kulmeen baadhitaanno ay ku sameeynayeen dhismeyaasha la tuhunsan yahay inay joogaan dambiileyaal. Haddii ay tuhmaneyaashu baxsadaan, kaba soo qaad, milkiileyaashu inta badan ma awoodaan inay bixiyaan macluumaad waxtar leh oo lagu raadiyo.
“Tani waa ay soo afjarmaysaa hadda waayo uma oggolaaneeyno milkiileyaasha inay kiro urursadaan oo kaliya, halka ayan imika wax dan ah ka yeelan dhaqdhaqaaqyada ka socda dhismeyaashooda,” ayuu yidhi.
Sida uu dhigayo amarka, oo la shaaciyay 7-dii April, milkiileyaasha waxaa looga baahan doonaa in dadka ay guryaha ka kireeyaan ka ururiyaan macluumaad shakhsi ahaaneed, sida nuqullada dukumentiyadooda aqoonsiga, macluumaadka meesha laga helo dadka ehelkooda ah iyo macluumaad ku saabsan shaqadooda.
“Tani waxay noqonaysaa waajib mana jirto waddo labaad oo loo marayo. Kuwa isku daya inay ismoogaysiiyaanna, ha duceeystaan [hana rajeeyaan] in wax laga shakiyo aysan ka dhicin dhismeyaashooda,” ayuu yidhi Lenku. “Dhanka kale, waxaan amri doonnaa inay dadka wax kiraysta ay sidoo kale xog dheeraad ah ka og yihiin milkiileyaasha ay wax ka kireeystaan.” Ayuu hadalkiis ku daray
Wuxuu sheegay in marka tuhmane lala xidhiiidhiyo dhisme, ay bilaysku ku dhawaaqi doonaan in dhismahaasi uu yahay goob dambi iyadoo dhismahana la hoos geyn doono maamulka xukuumadda illaa inta laga soo qabanayo dhammaan tuhmanayaasha lala xidhiidhiyay dhismaha.
Inta lagu jiro xilliga u dhexeeya, xukuumaddu waxay maamulaysaa oo lacagta kirada ka ururin doontaa dadka ijaarka ku deggan illaa laga soo xidhayo tuhmanayaasha oo dhan lagana soo afjarayo baadhitaannada, ayuu yidhi.
Caqabadaha hortaagan fulinta amarka
Halka ay milkiileyaasha qaarkood soo dhoweeyeen dadaalkan cusub inuu yahay hab lagu hagaajinayo amniga, ayaa qaar kale waxay muujiyeen walaac la xidhiidha inuu noqon doono mid aan sahal lagu fulin karin oo sidoo kale laga yaabo inuu ku xadgudbo sirta dadka.
Stephen Mutoro, oo ah madaxa sare ee Isutagga Kenya ee Iskaashatooyinka Guryaha, ayaa sheegay inay xukuumadda la gudbooneeyd inay marka hore qorto sharci ku waajibinaya milkiileyaasha inay xogta noocaas ah ka ururiyaan dadka ay wax ka kireeyaan inta aysan isku dayin inay fuliso.
“Marka laga hadlo amniga, Kenyan waliba wuxuu rabaa in amni-darrada laga adkaado. “[Laakiin] fulinta amarrada noocaas ah ma sahlanaan doonto. Waxaa ka imanaya mucaarad [badan], oo ay ka mid tahay inuusan ku saleeysneeyn wax sharci ah.” Ayuu yidhi Matoro.
Xoghayaha Guud ee Ururka Kireeystayaasha Magaalooyinka Ephraim Murigo ayaa soo dhoweeyay fikradda, isagoo sheegay inay keenayso korodh ku yimaada isdhexgalka iyo isbarashada milkiileyaasha iyo kireeysteyaasha.
“Isdhexgalku wuxuu horseedayaa is-weydaarsiga xog aad muhiim ugu noqonaysa baadhista iyo ka-hortagga jariimooyinka, kaas oo markaas xoojinaya dagaalka ka dhanka ah amni-darrada dalka,” ayuu yidhi.
Hase ahaatee, Murigo wuxuu sheegay inay u badan tahay in xukuumaddu caqabado kala kulanto fulinta amarka.
Amarkana cusub ayaa ah mid Guud ahaanba laga hadal hayo dalka Kenya, waxana laga warwarsan yahay inuu soo kordhin doono dhib iyo dabagal badan oo loo geysto dadka shacabka ah ee Caadiga.
S.D.N/QJ