Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Oo Si Adag Uga Hadashay Hannaankii Xukuumadda Xasan Sheekh U Maamushay Kufsigii Dhawaan Lagula kacay Haweenayda Suxufiyadda ah iyo Wariyayaashii Warkaas Tebiyeyba
Wanshintong:12-Dec-2013(SDN)-Dowladda Waddanka Maraykanka ayaa markii ugu horraysay ka Hadashay Kufsi la sheegay in dhawaan koox wariyayaal ahi muqdisho ugu geysteen Haweenay ka hawlgeli jirtey Hay’ad warbaahineed.
War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka, gaar ahaan laanta Afrika, ayaa lagu sheegay in xukunada noocan ah ay dhalinayaan su’aalo la xidhiidha difaaca dadka ka badbaada gacan ka hadalka jinsiga ku saleysan, iyo sidoo kale xorriyadda saxaafadda ee Somalia.
Will Stefan oo ah afhayeenka u hadlay Wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay dhowrto dastuurka ay sameysatay isla markaana aanay u hiilin koox geystay tacadiyo ka dhan ah jinsiga isla markaana aan la xidhin wariyayaasha ku dhiirada in ay soo tebiyaan wararka la xidhiidh kufsiga.
Afhayeen u hadlay wasaaradda Arimaha Dibadda Mareykanka oo la yirahdo Will Stevens ayaa sheegay in xukunkan uu saameyn ku yeelanayo rabitaanka dadka ee ku aadan inay soo tabiyaan ama soo sheegaan falalka kufsiga ah ee lagu kaco.
Warkan kooban ee ka soo baxay wasaaradda Arimaha Dibadda ayaa ugu baaqay masuuliyiinta Somalia inay difaacaan difaacaan dumarka la sheego in kufsi loo geysto ayna cadaaladda la tiigasadaan kuwa kufsiga geysta, lana marsiiyo sida sharcigu qabo.
Waxaa sidoo kale dowladda Somaliya ku boorineynaa ayaa warbixinta lagu yidhi inay dhowrto dastuurkeeda oo ay xushmeyso xaqqa dadka uu u siinayo inay helaan dacwad qaadis cadaalad ah iyo saxaafad xor ah.
Warbixinta ayaa lagu yidhi xadhig lagula dhaqaaqo shaqsiyaad ka hadla kufsi ama soo tabiya tacadiyada kale ee ku saleysan jinsiga, waa mid ka hor imaaneysa qodobada wax difaacaya ee ku jira dastuurka Somalia, waxey fariin qaldan u direysaa labadaba kuwa kufsiga geysta iyo kuwa loo geysto, waxeyna niyad jebineysaa, in lagu dhiirado oo la soo sheego dadka geysta falal dambiyeedyada waaweyn ah.
S.D.N.