|

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo maanta Odoyaasha u qeybisay Dastuurka dalka

Muqdisho, Khamiis, June, 28, 2012(SDN)- Wasaaradda Dastuurka ee
Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta horgeysay Dastuurka dalka Odoyaasha
Dhaqanka Soomaaliyeed ee Shirka uga soconayo Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya, C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa
maanta Odoyaasha u qeybiyay Dastuurka dalka Odoyaasha Dhaqanka
Soomaaliyeed Islamarkaana laga sugayo iney Odoyaashu soo xulaan
Ergadii ansixin laheyd Dastuurka dalka.

Sidoo kale Wasiirka Dastuurka ayaa Odoyaasha uga warbixiyay sababihii
look ala diray Gudigga Madaxa Banaan ee Dastuurka islamarkaana u
sheegay in Gudigaasi howshii loo idmay ay u dhamaatay balse la kala
diray Gudigaasi.

“Dastuurkaani waa kii ugu wanaagsanaa marka loo eego Shareecada
Islaamka,Waa mid ay dalka iyo dadka anfacayo”.

Wuxuuna intaasi ku daray in Dastuurka uu yahay midka kaliya ee
xilligaani ku haboon dalka.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Waxaana sidoo kale la hadlay Odoyaasha Dhaqanka Ku-Xigeenka Ra’iisul
Wasaaraha ahna Wasiirka Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha Maxamed Xasan
Sheekh Maxamuud,Wuxuuna u sheegay in maalinta barri ah wixii ka
dambeeyo la idin kaga baahan yahay inaad soo gudbisaan Liiska Ergadii
Ansixin laheyd Dastuurka.

Ugu dambeyntii Odoyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa sheegay iney soo
aqrinayaan Dastuurka islamarkaana xusay iney soo dedejinayaan Soo
Xulista Ergadii Ansixin laheyd Dastuurka.

Comments are closed