Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland oo Sheegtay inay Talaaleen Xoolo dhan afar malyuun oo Neef
Hargaysa 21.Aug 2013 (SDN) Agaasimaha Guud ee wasaarada xanaanada Xoolaha Dr, Axmed Maxamuud Cagaweyne, ayaa maanta qoraal uu soo saaray Kaga xog-waramay Wax qabadka Wasaaradaas ee Lixdii bilood ee ugu horeeyey sanadkan 2013.
Qoraalka Agaasimaha Guud oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shabakada Qurbejoog.com waxa uu agaasimaha Guud sheegay in mudadii u dhexaysay Jeeniweri ilaa bishii Juun ee sanadkan ay wasaarada u qabsoomeen howlo badan oo ay ka mid yihiin Talaalka Xoolaha, isaga oo xusay in wasaaradu ay talaashay mudadaasi xoolo dhan afar malyuun oo neef, oo laga talaalay cudurada kala duwan ee xoolaha asiiba.
Waxaanuu Agaasimaha Guud intaa raaciyey in la daaweeyey xoolo dhan hal malyuun oo neef , Daaweyntaasi oo uu sheegay agaasimaha Guud inay wasaaraddu ka fulisay dhamaan Gobolada dalka.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Waxa kale oo uu sheegay in wasaarada ay soo galeen gaadiid dhan Todoba Gaadhi,Gawaadhidaasi oo ka howl gala Gobolada Marod.jeex, Awdal iyo Tog dheer iyo afar gaadhi oo kale oo iyana la kala siiyey ayuu yidhi Agaasimaha Guud Isuduwayaasha Gobolada, Saaxil, Awdal, Gabilay iyo Daad-Madheedh.
Agaasimaha Guud waxa kale oo uu qoraalkiisa ku sheegay in wasaaradu ay shaqaalaysiisay sagaal iyo labaatan qof oo isugu jira Dhakhaatiir iyo kalkaaliyayaal Caafimaadka xoolaha,kuwaasi oo loo kala diray Gobolada iyo degmooyinka. Waxaanuu intaa raaciyey in sidoo kale sagaal iyo toban qof oo shaqaale ah loo tababaray Fayo dhowrka Hilibka,kuwaasi oo haatan ka howl gala ayuu yidhi agaasimuhu dhammaan Gobolada dalka.
Agaasimaha Guud waxa uu sheegay in haatan la wado oo ay soCdaan hawlo ay ka mid yihiin, Dhismaha xarunta wasaarada, kawaanka Burco,Mashruuca Aroori,xeerarka : Caanaha, daryeelka Xoolaha,Daaweynta iyo Talaalka xoolaha iyo dhoofinta iyo qaliinka.
Hargaysa SDN.
contact@somalidiasporanews.com