Wasaarada Macdanta iyo Biyaha oo Shacabka ugu Baaqday iyadoo abaar xoogani dalka ka taagan tahay in hadana ay Sidii la rabay uga faa’iidaystaan Raxmaadka Gu’ga
Hargaysa 20 March (SDN Masuuliyiinta Wasaarada Macdanta,Biyaha Iyo Tamarta ayaa Maant Ugu Baaqay Bulsho Weynta Somaliland in Sida ugu Haboon ay Uga Faa’iideystaan Biyaha Xilliga Roobabka Gu’ga,Raxmaadkaasi oo Haatan La galay Xilligiisii.
Wasiir Ku Xigeenka Macdanta, Biyaha iyo Tamarta C/Salaan Maxamed Xasan iyo Agaasimaha Waaxda Biyaha ee Wasaaradaasi C/Risaaq Jaamac Nuur oo Labadooduba Kulankaasi ka Hadlay ayaa Xusay in Maalinta Biyaha Aduunku ay ku Beegantahay Bari oo Bishu Tahay,Isla Markaana Halku Dhiga Sanadkan La qaaday uu Yahay ” Maalinta Iskaashiga Caalamiga ah ee Biyah” Taas oo La doonayo in Bulshada Caalamku Uga Faa’iideystaan Sida ugu Haboon.
Masuuliyiintana ayaa Si gaar ugu Baaqay Dadweynaha inay Si ugu Haboon ama ugu Fiican uga Faa’iideystaan,iyagoo ku Dedaalaya sidii ay U qabsan Lahaayeen Biyaha Xilliga Gu’ga Iska Qulqula inta awoodooda iyagoo Biyahaasi Si Khasaare ah Ugu Darsama Badda,Halkii Si Macno Leh Looga Faa’iidaysan Lahaa ayay ku yidhaahdeen.
Geesta kalena Waxaa Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland ka soo yeedhaysa Qaylo dhaan Abaareed oo la soo deristay Dadka iyo Duunyada iyadoo Madaxda Goboladu ay Xukuumada iyo Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Qaramada Midoobayba ka dalbanayaan Gurmad inay la soo gaadhaan dadka ku tabaaloobay Abaarahan
Hargaysa SDN.
qurbejoog@gmail.com