|

Wasaarada Khaarejiga Soomaaliya oo Aduun aad u faro badan Safaro ku khasaarisay xili dalka xaalado bini-adam ka jiraan

Muqdisho Dec 23,2013(SDN)-Wasaarada arrimaha dibedda ee dalka Soomaaliya ayaa lacagta ugu badan ku kharash gareysay safaro ay masuuliyiinta wasaaradaasi dalka dibediisa ku tegeen.

Ilo wareedyo ka mida shaqaalaha Baanka dhexe ee Soomaaliya ayaa iddaacada Dalsan u sheegay in Aduun ku dhaw Million Dollar ku bixiyay safaro ay shirar caalemi ah uga qeyb galeen.

Safaradan oo intooda badani ay ka qeybgashay Wasiir Fowsiya Yusuf Xaaji ayaa waxa ay ka soo hoysay guulo ay dawladu ku talaabstay oo isugu jira qaar siyaasadeed iyo qaar dhaqaale.

Balse kharashaadkan saaid ah ayaa xeel dheereyaal badani qabaan in loo isticmaali karayay in lagu quudiyo shacabka Soomaaliyeed ee fatahaadada iyo abaaruhu halakeeyeen.

Cabdisalaan Cabdule oo ah Dhaqaale yahan ayaa sheegay kolka laga yimaado guulaha siyaasadeed ee wasiir Fowsiya kharashyadan in la galay xili shacabka dalku gacan qabad u baahnaayeen.

“Kharashaadkan ayaa la galay xili ay dalka ka jiraan fatahaadyo iyo Gaajo khaasatan degaanada Shabeelaha dhexe,suaashu waxa ay noqoneysaa miyeey habooneed in duyuurado raaxo la kireysto si looga qeybgalo shirar iyada oo muwaadiniinta canshuurta bixiyaa ay dhibaateysan yihiin? hubaal waa maya.”sidaa waxa yiri Cabdisalaan Cabdule.

Wasiirada Arrimaha dibedda ee Soomaaliya Marwo Fawsiya Xaaji Yusuf ayaa ah haweeneydii u horeysay ee qabatan xilkaa,waxaana loo aaneyaa in ay gacan ka geysatay horumarka dawladu ku tilaabsatay mudadii ay xilka heysay.

SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed