Wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga oo soo gabagabeysay Ollole Dhir beeris ah oo ay ka waday Hargeysa
Hargeysa 8,March,2016(SDN/QJ)-Wasaaradda Deegaanka & Horumarinta Reer Miyiga waxay dugsiga Nuradiin kusoo gebagebaysay ollole qaran oo bilihii u danbeeyey ay fulinaysay Wasaaraddu, kaas oo lagu horumarinayey deegaanka, gaar ahaan kan caasimadda.
Munaasibadda gunaanadka ollolahan waxa kasoo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Marwo Shukri Xaaji Ismacil Baandare,wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cabdilaahi Ibraahim Habane, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Deegaanka, masuuliyiin ka socotay SDF , maamulka iyo ardeyda Dugsigaas.
Ujeedada ollolaha ayaa ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa wacyigelinta bulshada ee ku aaddan ilaalinta iyo kor u qaadidda deegaanka iyo sidii loo horumarin lahaa bilicda goobaha waxbarashada. Intii ololahani socday waxa la qaybiyay 60,000 geed oo loo qaybiyay ilaa 40 dugsi, iyo 4 jaamcadood oo ku
yaalla Magaalada Hargiesa Ololahan waxa hal ku dheg looga dhigay “Geed Beer” waxana fulinaysay Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga oo maalgelin ka helaysa Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF).
Wasaaraddu iyada oo ka duulaysa waajibaadkeeda shaqo ee qaranka ay uga masuulka tahay, waxay go’aansatay in ay daboosho baahi balaadhan oo ka jirta goobaha waxbarashada iyo masaajidada oo aan lahayn dhir ku filan, waxayna furtay qabashada araajida codsiyada dhir cusub oo lagu beero goobaha waxbarasho iyo masaajidda iyada oo lagu xidhay shuruudo la xidhiidha badbaadada iyo joogteynta koritaanka dhirtaas, gaar ahaan helidda biyo lagu waraabiyo iyo in laga ilaaliyo xoolaha iyo wixii kale ee dhibaato soo gaadhsiin karaba.
Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) waxa uu ka taageeraa Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Mashruuc ku qotama horumarinta deegaanka kaas oo ka kooban saddex qaybood oo kala ah:
Xoojinta Awoodda Maamul ee Wasaaradda Deegaanka ee Khayraadka Dabiiciga ah
Dhismaha iyo Qalabaynta Xafiisyo cusub oo laga hirgalinayo Xarunta dhexe ee Wasaaradda ee Hargeysa iyo gobaladda iyo Degmooyinka sida Saylac Boorama, Berbera, Sheekh, Burco, Ceerigaabo iyo Laascaanood.
Asaasida lix urur Bulsho oo maamula kaymaha iyo lix goobood oo xanaananyta iyo abqaalida dhirta oo ku kala yaala Hargeysa, Boorma, Ceerigaabo, Laascaanood, Burco iyo Sheekh oo ay ka faa’iidaysanayaan ku dhawaad 60,000 qof
Sanduuqa Horumarinta Somaliland oo ah deeq lacageed oo loogu talagalay in lagu caawiyo Dawladda Somaliland hirgelinta Mashaariicda Horumarineed, waxa maalgeliyay Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan Dawladda Ingiriiska (DFID), Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan dalka Denmark (DANIDA), iyo Dawladaha Norway iyo Netherlands.