Wasaarada Caafimaadka oo soo Gabo gabaysay Shir lagaga arrinsanayay Waxqabadka 3 Bilood ee tagay gaar ahaan Caafimaadka Taranka
Hargaysa 30.Sep 2013 (SDN)- Agaasimaha Guud ee wasaaradda Caafimaadka Md:Cismaan xuseen wasame ayaa shir howled soconaayey muddo labo cisho ah oo ku saabsanaa waxqabadkii sadexdii bilood ee laga soo gudbay waxyaahihii laga qabtay caafimaadinta taranka ,waxa uu maanta ku soo gabogabeeyey Huteel maansoor ee Magaalda Hargaysa.
Shirkaasi wax aka soo qaybgalay Agaasimaha Guud ee wasaaradda caafimaadka ,agaasimaha komishanka aydhiska ,agaasimaha hooyadaiyo dhalaanka ee wasaardda caafimaadka,madaxa UNFPA ee Somaliland .
Agaasimaha Guud ee wasaaradda Caafimaadka md:Cismaan xuseen warsame oo shir-howleedkaasi soo gabogabeeyey ayaa sheegay in wasaaradda caafimaadku waday mudooyinkii udambeeyey shirar is dabo socday oo saddex biloodle ahaa oo loogu talogalay inay waax kasta oo wasaaradda caafimaadka ka tirsan inay wax-qabadkeedii dib u-eegis ku samayso waxyaalihii qabsoomay,waxaanu agaasimaha guud tilmaamay in shirarkan isdaba socda ujeedadoodu tahay sidii dib u eegis loogu samayn lahaa iyadoo markasta lagu jaan goynaayo baahiyaha jira ,waxaanu agaasimuhu si gaara u Xusay in wixii macluumaad ah ee shirkaninka soo baxay ay la kaashan doonaan hay-adaha ay khusayso,waxaanu balanqaaday agaasimaha guud ee wasaardda caafimaadku inay qiimayntani sii socon doonto .
Agaasimaha komishanka aydhiska Mudane Cabdi Cali oo shir howleedkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu kulankani uu aad muhiim ugu ahaa waaxda taranka ee wasaardda caafimaadka,agaasimaha komishanku wuxuu xusay inay wasaaradda caafimaadku kulankani muhiimad gaar ah uleeyahay,waxaanu kula dardaarmay in waax kasta oo wasaaradani ka tirsani shaqada loo igmaday ay sida ugu haboon uga soo baxdo Waxaanu intaas ku daray in loo baahan yahay sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha kala duwan ee Shirka lagu soo bandhigay , ,ugu dambayntii shir-howleedkaasi ka hadlay agaasimaha waaxda dhalaanka iyo hooyada ee wasaaradda caafimaadka waxaanu kula dardaarmay ka soo qaybgalayaashii kulan howleedkaasi in wixii ay kulankani ay ku barteen ay ku dabakhaan howlahooda shaqo ee ay qaranka uhayaan.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com