Wasaarada arrimaha dibedda Soomaaliya oo dafirtay in khilaaf u dhexeeyo Soomaaliya iyo midawga Yurub
Muqdisho Nov 28,2013(SDN)-Sarkaal ka hawlgala Wasaarada arrimaha dibedda ee dalka Soomalaiya ayaa daadifeey in uu jiro khilaaf u dhexeeya Fawsiya Xaaji Aadan iyo Guddoomiyaha Horumarka ee midawga Reer Yurub Andris Piebalgs,sida lagu daabacay barta internetka ee International Business Times.
Wasiirada ayaa sheegtay in Soomaaliya shirkii reer Yurub ee Brussels lagu yaboohay €1.8bn balse “ilaa iyo haatan aan waxba soo xaroon”.
Sarkaalkan ka hawlgala wasaarada arrimaha dibedda ee Soomaaliya ayaa sheegay in hadalka Fawsiya Xaaji Aadan “in sidii ay u tiri aan loo fasirin”.
“Xiriirka Soomalaiya iyo EU-da waa mid ka duwan ka jariiradu sheegtay,Soomaaliyana waxa ay abaal weyn u heysaa EU-da”ayuu yiri sarkaalkan aan magaciisa la shaacin.
Wasiirada ayaase saluugtay in reer Yurub aaney weli dawlada Soomaaliya deeqaha toos u siin.
“Waxaanu ku qanacsanahay in EU-du mar uun ay deeqaha toos u siin doonto dawlada Soomaaliya,waxaana asxaabtayada ula macaamiilnaa si arinkaa looga miro dhaliyo ayay tiri.
Midawga reer Yurub ayaa deeq horumarin ah siiya Soomalaiya iyada oo u mareysa mashruuca horumarinta ee EU-da.
Marka laga soo bilaabo sanadii 2008dii ilaa iyo haatan reer Yurub waxa ay Soomalaiya ugu deeqeen €521m.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com