|

Wasaarada Arrimaha dibedda Soomaaliya oo dad ka soo daad gureysay Suudaanta Konfureed

Muqdisho:30-Dec-2013 (SDN)-Dawladda Federalka Somalia ayaa ku Guulaysatay inay Soo Daad Gurayso Qayb ka mid ah Dadkii Somalida ahaa eek u Dhibaataysnaa Dalka Konfurta Sudan oo Qulqulatooyin Badani ka Taagan yihiin.

tuk

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia Fosiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa ku Guulaystay inay markii ugu horaysay Garoonka Diyaaradaha Ee Aadan cadde ka soo Dejesio Hormadii ugu horraysay eek a Tirsan somalida dhibtu ku haysato Suudaanka Konfureed oo ay dhawaan Halkaas ugu tagtay, iyadoo Ballanna u soo qaaday inay Dalkoodii ku soo celin  doonto.

Marwo Fosiya Oo Dedaal U Gashay Sidii Somalida Halkas ku Ga`doonsanayd Loo Soo Samato Bixin Lahaa Ayaa Akhirku Ku Guulaysatay In Diyaar Khaas ah Loo Kireeyo Dadkaas Qaybti Kowadna Laga soo Dejiyo Muqdisho Iyagoo Nabada  Iyadoo La Filayo In Berina La Soo qaado Qaybta Kale, waxana ay Fosiya Warbaahinta u sheegtay inay diyaar u yihiin inay qaybta hadhayna so qaadaan xilliga ay dadkaasi Diyaarka Noqdaan.

Waa Markii Kowad Ee Tan Iyo Intii Ay Dhacday Dowladii Meleteria ahayd Ee Somalia ay Dowlada Somalia Muwaadiniinteeda kasoo Qaadato Wadan Ay Dhibaato kala kulmeen Muwaadiniinteeda, waxana ay tani yidiilo gelisay dadka somalida ah  ee Dawladooda shakiga ka qabay, waxana ay haatan dad badani yaqiinsadeen inay Dawladda Somalia awoodi karto inay wax u qabato muwaadinteeda dhibku ku haysto meelaha kala duwan ee Somalia ka Baxsan.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed