Wasaarada Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo sheegtay in ay soo celineyso xiriirkii caalamka
Muqdisho Dec 18 2012 (SDN)— Xilli uu maanta saxaafada kula hadlaye wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha dibada Xukuumadda cusub ee Soomaaliya Jamaal Maxamed Baaroow Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in wasaarada cusub ee arimaha dibada ay qorsheynayso sidii ay usoo celin laheyd xiriirkii wanaagsanaa ee kala dhaxeyn jiray caalamka intiisa kale.
Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in dhawaan la dhisay Guddi isugu jira Safiiro iyo aqoonyahano ujeedkana uu yahay sidii dib loo soo celin lahaa xiriirka arimaha dibada dalka Soomaaliya ay la laheyd dalalka caalamka isagoo xusay in arintaasi ay qeyb ka tahay isbadalka dowlada cusub ee Soomaaliya.
“Waan ku dadaalayna sidii xiriirka Soomaaliya ay la laheyd dalalka caalamka dib loogu soo nooleeyn lahaa”Ayuu yiri Wasiir ku xigeenka.
Tan iyo markii ay meesha ka baxday Xukuumadii dhexe ee Soomaaliya waxaa iyana meesha ka baxay xiriirka Soomaaliya ay la laheyd dalalka caalmka,balse iminka ayaa Dowladda cusub ee Soomaaliya waxa ay ku dadaalaysaa inay dib usoo nooleeyso xiriirka Soomaaliya iyo caalamka kala dhaxeeyay.
SDN-Muqdisho