Wasaarada Arrimaha Dibadda oo isbadal ku sameyneysa safaaradaha ay caalamka ku leedahay
Muqdisho June 02 2013 (SDN)— Wasaarada Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa wada isbadal weyn oo ay ku sameynayso safaaradaha hoostaga.
Iyadoo iminka ay wado Wasaarada arimaha dibada dalka Soomaaliya isbedelo lagu sameynayo dhamaan safaaradaha caalamka Soomaaliya ay ku leedahay ayaa masuuliyiinta Wasaarada arimaha dibada waxa ay sheegeen in isbedelka lagu sameynayo safaaradahaasi ay yihiin kuwa sii socon doona.
Jamaal Baroow oo ah Wasiir ku xigeenka Wasaarada arimaha dibada dalka Soomaaliya ayaa Baarlamaanka Soomaaliya ka horsheegay in hadii la ansixiyo hindise sharciyadeed Baarlamaanka Wasaaradiisa ay horgeysay ay fududaanayso qorshaha Wasaarada ee ku saleysan isbedelka safaaradaha Soomaaliya caalamka ay ku leedahay.
Wasiirka ayaa sheegay in Baarlamaanka hadii uusan ansixin hindise sharicyadeedkaasi shaqada Wasaarada arimaha dibada ee ku saleysan isbedelka safaaradaha aysan soconeyn,balse hadii la ansixiyo ay noqonayso mid si dar-dar leh usocota.
Dhawaan ayeey aheyd markii Wasaarada arimaha dibada dalka Soomaaliya isbedel ay ku sameysay safaarada Soomaaliya ee Magaalada Jeddah dalka Saudi Arabia.
SDN-Muqdisho