|

Wasaarada Arimaha Dibada Sweden oo ka hadashay haweeneydii lagu dhaawacay Muqdisho

Stokeholm:22-Aug-2013-(SDN)-Dowladda Waddanka Sweden ayaa xaqiijisay in haweeney Swedish ay ku dhaawacantay  weerar koox dabley ah ay magaalada Muqdisho ka geysatay, kaasoo sidoo kale lagu dilay laba qof oo kale oo Haweenaydaas la socday.

 

swedenAfhayeen u hadashay wasaaradda arrimaha dibedda ee  Sweden oo lagu magacaabo Camilla Akesson Lindblom, ayaa sheegtay  in dhaawaca haweeneyda la geeyay isbitaalka Xalane ee ay AMISOM maamusho, saacado halkaas lagu daweynayey kaddibna loo duuliyey magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya oo haatan ay ku sugan tahay.

 

Haweeneyda dhaawacantay oo lagu magacaabo Ann-Margarethe Livh  ayaa ka tirsanayd xisbiga garabka bidix ee dalka Sweden.

 

Warbaahinta dalka Sweden ayaa baahisay sida ay ka soo xigatay qoyskiisa in nin Soomaali-Swedish ah oo la yidhaahdo Cabdiraxmaan Xasan uu weerarka Muqdisho ka dhacay ku dhintay, laakiin dowladda Sweden ma xaqiijin geeridiisa.

 

Weerarkan ayaa yimid waxyar kaddib markii Ann-Margarethe Livh   ay ka soo laabatay jaamacadda Soomaaliya oo ay khudbad ka soo jeedisay.

 

Weerarkan lagu qaaday haweenaydan u dhalatay dalka Sweden ayaa ku soo begantay xilli ay sii xumaanayso xaaladda nabadgelyo ee Magaalada muqdisho, iyadoo maalmihii ugu dambeeyey lagu laayey dad aad u badan.

 

Somalidiasporanews.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

 

Comments are closed