|

Wasaarada Arimaha Dibada Sweden ayaa xaqiijisay in haweeney Sweden ah lagu dhaawacay Muqdisho halka Nin Somali Sweden ah lagu dilay

Sweden 21.Aug 2013 (SDN)  ” Waxaan xaqiijinaynaa in haweeney Swedish ah lagu toogtay Muqdisho, balse nasiib wanaag ma dhiman way nooshahay, waxayna la hadashay safiirka Sweden,  iyadoo dhaawac ah ayay taallaa isbitaalka howlgalka Midowga Afrika ee Muqdisho, waxaana lagu howlan yahay sidii daaweyn dheeraad ah loogu qaadi lahaa Nairobi” Sidaasi waxaa tiri Camilla Åkesson Lindblom oo ah Afhayeen u hadashay wasaarada Arimaha Dibada Sweden oo warbaahinta u xaqiijisay haweeneyda maanta lagu dhaawacay Muqdisho.

swedish1Haweeneydaan ayaa saakey lagu dhaawacay agagaarka Jaamacada Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho halkaas oo ay ka bixinaysay Lecture ama qudbad.

Xili ay ka soo baxday dhismaha jaamacada oo ilaa shan iyo taban talaabo ay banaanka ka joogtay dhismaha ayaa rasaas looga soo furay gaari muraayadahiisa ay bensal ahaayeen oo wadada marayay

Wararka waxa ay intaasi ku darayaan in Nin Soomaali Swedish ah oo magaciisa lagu sheegay Abdirahim Hassan oo isla maanta lagu dilay Muqdisho sida ay xaqiijiyeen qoyskiisa laakiin ma kala cadda in uu la socday haweeneyda Swedish ka  iyo in uu ku dhintay isla weerarka lagu dhaawacay Haweeneydaasi.

Hase ahaatee warbaahin gudaha Soomaaliya qaarkood ayaa sheegay in Ninka Soomaali Swedish ka uu darawal iyo turjubaan u ahaa haweeneyda la dhaawacay halkaasna uu ku dhintay.

“Ma xaqiijin karno in nin Swedish ah la dilay, xaalada oo aanan wali kala cadeyn owgeed” sidaasi waxaa tiri Åkesson Lindblom oo warbaahinta ay waydiiyeen in ay u xaqiijin karno ninka dhintay iyo in uu Swedish yahay.

Wararka waxaa ay sidoo kale sheegayaan in Qof saddexaad oo lagu sheegay ilaaliyaha haweeneyda Swedish ka uu halkaasi ku dhintay balse wasaarada waxa ay xaqiijisay in dhaawaca haweeneyda Swdish ka oo kaliya.

Sweden SDN.

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed