|

Wasaarad Bar Tilmaameed u Noqotay Seefta Madaxweynaha oo Xilkeeda lala kala Wareegay.

Hargaysa 03.July (SDN) Wasiirka Cusub ee Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa maanta si rasmi ah Xilkii Wasaaradaasi ugala Wareegay Wasiirkii isaga ka horeeyay haatana loo bedelay Wasaarada Wershadaha Mudane Abiib Diiriye Nuur “Abiib Timacad”.

Munaasibada Xil wareejintan oo lagu qabtay Kaamboolka Wasaarada Warfaafinta waxaa ka soo qayb galay Wasiirada Hawlaha Guud,Wasiir ku Xigeenada Warfaafinta,Gaashaandhiga,iyo Ganacsiga,Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye,Xildhibaano,Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta,Agaasimayaasha Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradaas iyo Hawl wadeenada Wasaarada Warfaafinta.

Wasiirkii hore ee Warfaafinta haatana loo bedelay Wasaarada Wershadaha Mudane Abiib Diiriye Nuur “Abiib Timacad” ayaa Tilmaamay Waaxyaha ay Wasaaradani ka Kooban tahay iyo Waxyaabihii u qabsoomay Mudo Sagaal bilood iyo Dheeraad ah oo uu Xilkeeda hayay waxaanu Tusaale u soo qaatay in Guusha u Weyn ee ay gaadheen ay Tahay in Idaacada Radio hargaysa ee afka dawlada ku hadasha laga dhagaysan karo Guud ahaan Gobolada Somaliland,Wadamada Mandaqada iyo Dalal kale oo Somaliland ka Durugsan, Mudane Abiib Timacad waxa uu Sheegay inay Farxad u tahay in Xilkii Wasaarada Warfaafinta uu ku Wareejiyo Wasiir ku Xigeenkiisii oo u dalacay Darajada Wasiirnimo.

Wasiir Ku Xigeenka Cusub ee Wasaarada Warfaafinta Mudane C,waaxid C,qaadir ayaa Sheegay inay dadaal badan gelin doonaan Sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen Magaca Wasaarada Warfaafinta

Wasiirka Cusub ee Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse oo halkaasi ka hadlay ayaa Xusay inuu ka war hayo duruufaha Wasaaradani ku Sugan tahay,Isagoo cadeeyay inuu wax badan ku soo Kordhin doono Wasaaradan si ay u Gudato hawsha balaadhan ee ay qaranka u hayso si ay u Noqoto Mid jaangoysa hannaanka Wareed, Wacyigelineed & Waanaba wixii looga duulayo, ee  bulshada danahooda dhaqan/dhaqaale iyo himiladoodaba ka turjumaya.

Wasiir Cukuse waxaa kale oo uu balan qaaday inuu Saxaafada Madaxa banaan oo uu Mudo badan ku soo dhex Jiray iyo Ta Dawliga ah ee uu Hogaankeeda yahay ka dhaxaysiin doono hanaan wada shaqayneed isagoo dhinaca kalena iftiimiyay inay qorshaha ugu jirto sidii uu u Hagaajin lahaa Xidhiidhka wada Shaqayneed ee Xukuumada uu Wasiirka ka yahay iyo Warbaahinta Madaxa banaan waxaanu intaas ku daray in Shaqada Wasaarada ay u geli doonaan Si Kooxeed.

Waxaa kale oo Madashaasi ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta C.rashiid Jibriil Yuusuf,Wasiir ku Xigeenka Cusub ee Wasaarada Warfaafinta,C.waaxid C.qaadir iyo Mas’uuliyiin kale.

Wasaarada Warfaafinta ayaa Bartilmaameed u Noqotay kuwa ay Mar walba Saaran tahay Seefta isku Shaandhaynta ee Madaxweyne Siilaanyo Waxaanu Mudane Cukuse Noqonayaa Wasiirkii Shanaad ee Wasaaradan soo Mara Sadexdii Sanno ee ay Xukuumadda Kulmiye Jirtay iyadoo ay ka Horeeyeen Wasiirka Haatan ee Warfaafinta Mudane C.laahi Geel Jire,Axmed Cabdi Xaabsade,Muj Boobe Yuusuf Ducaale iyo Wasiirka Xilka Wareejiyay Abiib Timacad.

Hargaysa SDN.

QurbeJoog.com

Comments are closed