Warshaddii Sibidhka oo Xukuumaddu Si Qarsoodi ah Ugu Wareejisay Saddex Qof oo Ganacsato Ah oo Midkood Ajanebi Yahay
Hargeysa Mar 20,2013 (SDN) Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland , ayaa sifo aan sharciga waafaqsanayn ugu qeybisay hanta Ummadda ka dhaxaysay oo ku jirtay gacanta Xukuumadda , kadib markay Wershaddii Sibidhka ee Berbera ugu wareejisay dad gaar ah , kuwaas oo hadal la’aan loogu kala jaray sheerarkii iyadoo aan hantidaa qaranka ee suuqa madaw lagu kala goostay aan loo soo bandhigin muwaadiniinta kale ee reer Somaliland ee xaqa u lahaa inay u tartamaan haddii sifayaasha sharciga ah ee u dhigan la soo marin lahaa .
Wararka soo gaadhaya Wargeyska Hubaal oo uu ka helay dad ilo ku dhaw arrinta , ayaa waxa uu daaha ka rogay in xubno Wasiirro ah oo ay ka mid yihiin Mudane Sacad Cali Shire oo ah Wasiirka Qorsheynta iyo C/casiis Maxamad Samaale ooh ore loogu saaray arrinta Wershadda Sibidhka ee Berbera oo waqti hore ay isku qabteen xubno ganacsato ah ee qaar kale oo kasoo jeeda degaanka Berbera , ayaa sida wararkani sheegeen haatan si aan sharciga waafaqsaneyn loogu wareejiyey Wershaddaasi xubno ganacsato ah oo aad u kooban iyo mid ajnebi ah ,iyadoo sheer yarna loo jaray degaanka Berbera . Xubnaha hoosta ahaan loo siiyey Wershadda Sibidhka , ayaa waxa ay kala yihiin Dahabshiil , Muuse Dalab iyo Nin u dhashay dalka kuweyt , iyadoo saamiyada la kala siiyeyna yihiin sida soo socota :
1. Dahabshiil waxa la siiyey saami dhan 30% [ Boqolkiiba Soddon ]
2. Muuse Dalab waxa la siiyey 30% [ Boqolkiiba Soddon ]
3. Kuweytiga waxa isna la siiyey 30% [ Boqolkiiba Soddon ]
4. Berbera waxa loo jarayaa 10% [ Boqolkiiba Toban ]
Dad badan oo ka mid ahaa dadkii danaynayey inay wax ka helaan Saamiga Wershadda ,haddii ay Xukuumadda go’aan ku gaadho inay xaraashto Wershaddaasi oo ka dhur-sugayey in loo soo bandhigo muwaadiniinta , laguna baahin doono u tartankeeda Warbaahinta dalka , ayaa ku hungoobay , isla markaana ku sifeeyey , inay tahay mid si eex ah ay Xukuumaddu u siisay cid gaar , iyagoo ka laalay dhammaan wixii shuruuc ah ee u yaalay iibka ama xaraashka Hantida Qaranka . Geesta kale , illaa hadda ma cadda inay Xukuumaddu ka iibisay Wershadda Sibidhka ee ka mid ah Hantida dhexda u ah Ummadda ganacsatadaasi iyo inay lacag la’aan ugu wareejisay .
Warar rasmi ah oo la xidhiidha arrintan illaa hadda kamay soo bixin dhinaca Xukuumadda oo ka dembeeyey tii uu Madaxweynuhu kusoo afjaray murankii hore uga dhex dhashay Dahabshiil iyo koox kale oo uu Muuse DALAB horsed ka ahaa , waqtigaas oo uu Mudane Siilaanyo sheegay inuu Guddi u saarayo , sidiina looga war dhawrayey Guddigaasi faafinteeda , balse haatan uun lagu baraarugay in Guddi Wasiirro ah oo ay ka mid yihiin kuwa aan kor kusoo xusnay ka fara-xasheen qeybinta Wershaddii Sibidhka ee Berbera .
Xigasho Hubaal