|

Warsaxaafadeedka Wufuudda Somaliland Iyo Gudiyada Uu Magacabo Madaxweynuhu Inaga Hubiya

Wafdigii uu hogaaminayey Madaxweyna JSL kana mid ahaayeen wasiirkaarimaha dibadda, wasiirka Ganacsiga iyo wasiirka Macdantu ee hadda ku sugandalka Turkugu waxaa sida ay warbaahintu qortay la sheegay inuu waftigu guulo kagaadhay safarka uu ku tegay dalka Turkiga halkaas oo ka dib markii kulan dhexmaray waftiga iyo Raiisal Wasarahe Reccep TayyibErdokan in Xafiisyo diblomaasiyadeed labada dal isweydaarsadan, in raisalwasaara ku xigoonku dhawaan tago Somaliland, Raiisal wasaaruhuna iman doon Somalilandisna imandoono ka dib iyo in ay dawladda Turkigu balanqaday in ay Smalilandarimo ay ka mid yihiin dhismaha Jidka isku xidha Ceerigaabo iyo Burco, tamarta(korontadda) iyo soo saarka khayraadka dalka Somaliland.
Iyadda oo ay tahay war lagu farxo balanqaadyadda ay samaysay dawladda Turkigu, haddana waxaad moodaa in madow ku jiroqaabka ay dawladu uga faiidaysanayso ee ay u siyaasaday nayso kulankan aanahayn markii ugu horaysay ee wafti ka socda Somaliland iyo Dawladda tin Turkiguay wadda kulmaan oo guul horleh laga gaadhay.
Waa markii afraad ugu yaraan ee wafti ka socdaSomaliland uu tago Dalka Turkiga. kulankani wuxuu dhamays tir u yahay kulankiika qabyoobay is araga Raisal wasaare Reccep Tayyib Erdokan  iyo Maddaxweyne Ahmed Maxamuud Siilaanyo eekal kii hore, tas oo uu xanuunsaday si kidis ah Raisal wasaaruhu safarkana ladhamaystiray wadahadalkii qabyadda ahaa iyo codsiyaddii uu madaxweynuhu sitay.
Haddaba ilaa intii ayfurmeen wadda hadalladii Somalia iyo Somaliland ee ka dhacay Turkiga waxaynuhaynay warka ah

1. in uu Turkiguxafiis laga maamulo deeqaa uu bixinaayo ee ku aadan Somaliland uu ka furidoonoHargeysa ka dib markii Safarradda iyo xafiisyadda ka furtay Muqdisho martinageliyo wada hadaladii labadda dhinac (somalia- Somaliland).
2. In uu Turkigu Gacan wayne ka gaysan doonodhismaha kaabayaasha dalkii laysku odhan jiray Somalia Republic (somalia iyoSomaliland) dhamaan.
3. in raisal wasaare ku xigeenka Turkigu imandoonoHargeysa.

Haddaba waxaa kaliya ee doorkan cusubi waxaa weyaandalabka uu ogolaaday in Reccep Tayyib Erdokan uu yimaado Hargeysa iyo in xafiislaga furo Turkiga sida meelaha kaleba uu uuga furan yahay.

Seddexdaa qodob ee hore waxay ahaayeen dbalanqaadyadddiiuu Turkigu Waftigii ugu horeeyey Ee Somaliland ee loo dhamaa ee karnaqsigaa uubalanqaday Turkigu.

Haddaba waxaynu odhan karnaa  war saxafaddedyadda uu waxdigu bixinayo  ku jira is libin siin gaar ah oo dadka lagaiibinaaya oo ay ka maqaantahay guusha laga wadda gaadhay kulankii u horeeyey eeloowadda dhamaa xukuumadda, golayasha iyo Mucaaridku.


Dawladdu waxii wanaagsan ee ay qabato waa laguhabalyeynayaa laakiin siday u socoto ee ay libinta ku doonayso ayaan asturayn.haddaba sidii dawladda Turkigu ay u balanqaday in wax ka qaban doontokaabayaasha dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalkii laysku odhan jiray Republic ofSomalia, dawladda somaliland ugamay faaiidaysan in ay baahideeda Balaadhiso ooay qaybteeda ka qaadato deeqaha uu Turkigu bixinayo.
Safarkan madaxweynu iyo waftigiisu carabaabeen oo kelia sida cad ooastaysan in uu Turkigu aqbay dhismaha wadda Ceerrigaabo iyo Burco waa gul,waxaase wax lala yaaqo ahayd waxna ka khaldanaayen Guddidii uu madaxweynu usiimagacabay qaadhaan ururinta Waddada Ceerigaabo – Buroa oo ay ku jireen siddexdanxubnood oo mid walibadhismo wado la daaladhacayey qadhaankeeda welina ay qabyo yihiin, taas oo la isweydiinayey maxay ka tari waddo kale toodii oo aan dhammaan. seddexdaxubnood waxay kala ahaayeen oo aniga isoo jiitay
1. Muddane Maxamed Adan Dherrioo aynu ognahay in uu  la daalaadhacayo oo uu habeen iyo maalinba utaagan yahay qaadhan ururinta Jidka isku Xidha Burco – Oodweyne – Hargeysa oouu u baahan in lala dhamaystiro.
2. Sheekh Adan Siira  oo isna u taal tii Hargeysa-Dawga cad ilaaCeel Sheekh oo uu gacan u baahan yahay.
3. Nac- Nac oo isna kaaryoone kudhisayaa oodawladuna ku eegayso wadada Hargeysa iyo Balligubadle oo u baahan gacan dawloiyo qaadhaan dadweyne.

Bal haddaba markaynu eegno macquul ma tahay ninhawli u taal oo qaaadhan u baahan in uu yidhaa wadda Ceerigaabo ayaan qaadhaanu gurayaa.

Markaan arkay magacabidda waxaan is idhi waxaa ugafiicnayd madaxweynaha  in uu yidhaawaxaan midaynayaa qaadhamadda waddooyina dalka oo dhan oo uu ku soo wada darrodhamaan wadooyinka socda iyo kuwa la dhagax dhigay min Salac ilaa Ceerigaabo.waxay aniga ila noqotay timir lafbaa ku jirta.

 
Bal haddaba haddii culayskii WaddaddaCeerigaabo dawladda Turkigu inaga dul qaaday, mala sii waddi doonaa xeerkii laansixiyey wadda Ceerigaabo awgeed ee aan meelkale loo foodsarin ee magaca ceerigaabolagu ansixiyey? 

Dawladu waa higsi iyo hami fogtay dadkunahoosbuu eegayaa!!!
 
 
 
Mohamoud H Arrale

Comments are closed