Warqadii wasarada Arimaha Gudaha ee Britain ay ku mamnuucayey Jaadka oo soo baxdey iyo Mafrasho ku Yala wadkan oo xidhmay.
London 03April13 (SDN) Wasaarada arimaha gudaha ee dalkan inagriiska ayaa manta soo saartey warqad ay ku tilmaamayso Go,aankii ka soo baxay baarlamaanka ingariiska ee lagu mamnuucay Jaadka inuu soo galo,lagana ganacsado,laguna cuno dalka ingariiska.
Go,aankan kasoo baxay wasaarada arimaha gudaha waxaa lagu cadeeyey in maalinta ugu dambeysa ee qaadka laga ganacsan karo ama lagu cuni karo loo aCayimay ineey noqoto 26/05/14, waxii maalintas la gaarana uu jaadku mamnuuc uu ka yahay dalkan Ingariiska.
Waxaa tababar lagu bilaabay saldhigyada ciidama booliiska ee dalkan ingariiska EEYAHA wax uriya iyo Ciidamada booliiska oo tababar dheeriya arintaas loogu furey iyo Xarumaha Boostada ee laga dhoofiyo .
Mar aan la xiriirey Guddoomiyaha la dagaalanka Jaadka ee UK lagana yaabo inuu usii gudbi doono Jaaliyada ku dhaqan wadankan waxa uu qurbejoog u sheegay in go,aankan warqadan ku qoran uu manta ka soo baxday wasaarada arimaha gudaha dhamaana loo qaybiyey Cida ay quseyso sida Ciidamada Booliiska,Garoomada diyaaradaha iyo Dekadaha dalkan Ingariiska,
Waxii maalintaas loo asteeyey ka dambeeyana aanu Jaadku ka soo degi Karin garoomada iyo dakadaha dalkan Ingariiska waa 26/05/14.
Ugu damben waxuu bulshada soomaaliyeed ee ku nool UK kula dardaarmey ineey u hogaansamaan sharciyada kaoo baxdeey xukuumada dalkan ingariiska sharcigana ay ilaaliyaan, iyadoo ay jiri doonaan Ciqaabo lagu qaadi doono Cidii lagu helo ineey ka ganacsanayso qaadka ama Cunayso,ama Fududeynaya hawlaha qaadka ku saabsan.
qurbejoog.com
Uk London