|

Warmurtiyeed laga soo saaray Kulankii Madaxweynayaasha Somalia iyo Somaliland

Ankara April 14 2013 (SDN)— Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Somaliland ayaa kulankii ay ku yeesheen Magaalada Ankara kaddib waxa ay soo saareen Warmutiyeed ay ku qoranyihiin waxyaabihii diirada ay saareen.

Wada hadaladan ayaa waxaa garwadeen ka ahaa dowladda Turkey oo dalkeeda lagu qatay kulanka.

Hada Aqriso Warmurtiyeedkii Kulanka Xasan Sheekh iyo Siilaanyo Ka soobaxay oo Kooban.

1- Sii wadida wada hadalada Xukuumadda Somalia iyo Maamulka Somaliland u dhexeeya.

2- In la tix-raaco Qodobadii ka soo baxay Wada hadaladii hore ee ka kala dhacay Dubai iyo London.

3- In Xukuumadda Somalia iyo Maamulka Somaliland ay sii xoojiyaan wada hadalada iyadoona ay Beesha caalamka ka caawin doonto dhinaca farsamada.

4- In laga wada shaqeeyo Dhinaca Ammaanka iyo Tababarada Labada dhinac.

5- In 90-cisho gudaheeda la qabto kulan labaad uuna ka dhaco Magaaladda Istanbul ee Dalka Turkiga.

6- In labada dhinac ay joojiyaan Hadaladda kala fogeyn kara Heshiiska Labada dhinac.

7- In Xukuumadda Somalia iyo Maamulka Somaliland ay wadaagaan Deeqaha laga helo Caalamka.

SDN-Ankara

Comments are closed