|

Wariye Xalay Isku Day Dil Kaga Badbaaday Magaalada Galkacyo Oo Xaalladeedda Ammaan Laga Warwarsan Yahay

Galkacyo:08-April-2014(SDN)-Magaalada Galkacyo ee Xarunta Maamulka Galmudug oo Maalintii shalay lagu Dilay Laba Sarkaal oo Qaramada Midoobay u shaqaynayey, ayaa Habeenkii xalayna waxa Isku day dil loogu Geystay mid ka ah wariyayaasha Halkaas ka Hawlgala.

Wariye-Cabdullaahi-YareWariyaha la Beegsaday ayaa magaciisu yahay Cabdilaahi Yare, waxana uu ka Hawl galaa Radio Galkacyo oo isla Halkaas ku Yaallo.

Wariyaha ayaa Markii la Beegsaday marayey Agagaarka Iskuulka Macallin Cabdi, waxana si Kedis ah Rasaas ula Beegsaday Nin Hubaysan oo aan Haybtiisa La Garanayn.

Warka ayaa intaas ku Daraya in Wariyuhu uu si Kedis ah Dhulka iskugu tuuray markii ay Xabbaddii ugu HOrraysay ku Bilaabantay, waxana uu Ninkii Hubaysaan Ka Baxsaday Goobtaas kadib markii uu Xabaddo dhawr ah ku Riday Wariyaha balse uu la Waayey.

Wariyaha ayaa la sheegayaa inaan Isku daygaas wax dhibaato ahi ka soo Gaadhin, iyadoo ciidamo Boolis ah oo isla goobtaas la geeyey aanay Heliin Ninkii Arrintaas Sameeyey.

Ammaanka Magaalada Galkacyo ayaa  xumaaday markii si kedis ah Halkaas loogu Dilay Saraakiil Qaramada Midoobay ka Tirsanaa, iyadoo wali la wado Baadhitaannadii Arrintaas lagu Xallin lahaa.

 

S.D.N

 Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed