|

Wariye Sakaaro Oo Goor Dhawayd Xabsiga Loo Taxaabay Iyo Sababta Loo Xidhay

Burco (SDN) – Ciidamada booliska gobolka togdheer ayaa goordhawayd xabsiga u taxaabay wariye Axmed Muuse Sakaaro oo kamida wariyayaasha gobolka togdheer.

Wariye Sakaaro

Waxaana xadhiga wariyahan uu ka danbeeyey kadib markii uu dhawaan ka hadlay wariyuhu maxkamada gobolka togdheer oo u  xukuntay 7 eedeysane oo wariyaha jidh dil iyo dhaawacyo u gaystay isla markaana ay maxkamadu dib ugu soo celisay xoriyadoodii eedaysanayaashaa ayna sheegeen in loo iibiyay xadhiga, waa siday ay noo sheegeen ilo ka agdhawaa wariyaha markii la xidhayay, waxaana la sheegay inuu saaka markii uu tagay wariyuhu maxkamada la xidhay.

Wali ma  cadda sababta rasmiga ah ee ka danbaysa xadhiga wariyaha.

Comments are closed