|

Wariye U Shaqeynayay Radio Q.M Ay Maal Galiso Oo Baladweyne Lagu Dhaawacay

Baladweyne April 29 2013 (SDN)— Weriye C/llaahi Salaad oo u shaqeynayay Idaacad ay leedahay Q.M ee Ergo ayaa maanta ka badbaaday isku dil oo lala damacsanaa, hase yeeshee weriyaha ayaa dhaawac ka soo gaaray isku dayga dil, kaddib markii uu gacanta ula tegay ninkii damacsanaa inuu dilo.

Dad goob joog ka ahaa halka uu ka dhacay falka isku dayga dil ee lala damacsanaa weriye C/llaahi Salaad ayaa sheegay in dagaal gacmaha la isula tegay uu dhex maray weriyaha iyo ninkii doonayay inuu dilo, kaddib markii uu weriyaha il biriqsiyo kaddib dareemay in wiilkii loo soo diray inuu dilo ogaaday xilli uu bastoolad la soo baxay.

Weriye C/llaahi Salaad ayaa adeegsaday masaar uu watay, isagoona ninkii damacsanaa inuu dilo dhowr meel uga dhuftay, kaddibna ay dhulka uga dhacday bastooladii uu ku dili lahaa, waxaana goobtaasi markiiba yimid ciidamo ka tirsan Booliska magaalada B/Weyne.

Ciidamada Booliska ayaa markii dambe ku guuleystay inay qabtaan ninkii dilka damacsanaa kaddib dagaal dhex maray isaga iyo ciidamada Booliska, dagaalkaasi oo socday muddo dhowr daqiiqo ah.

Dhinaca kale Weriye C/llaahi Salaad ayaa la dhigay Isbitaalka weyn ee magaalada Baladweyne kaddib markii uu soo gaaray dhaawac aan sidaasi u weyneyn, iyadoo wiilkii dilka damacsanaana ay xabsiga dhigeen ciidamada Booliska magaalada B/Weyne, waxaana caadi ku soo noqday xaaladda goobtii uu ka dhacay falkaasi.

Qoyska Weriye C/llaahi Salaad ayaa warbaahinta u sheegay in wiilkooda iyo ninka isku dayay inuu dilo aanu wax xiriir ah ka dhaxeynin, isla markaana wiilkooda aanu wax lug ah ku lahayn kooxda ururka Al-Shabaab ee ku sugan gobolka Hiiraan, iyagoo caddeeyay in wiilkooda uu ahaa weriye iskiis u xamaasha.

SDN-Baladweyne

Comments are closed