|

Wariye Ka Tirsanaa Idaacadda Dalsan Oo Habeenkii Xalay Lagu Dilay Muqdisho

Muqdisho:22-April-2014(SDN/QJ)-Mid ka mid ah Wariyayaashii ka hawlgeli jirey Idacaadda Maxalliga ah ee Dalsan Magaagalada Muqdisho, ayaa Kooxo Hubaysani Makhribkii xalay ku dileen Magaalada Muqdisho.

BASTOLADWariyaha la Dilay ayaa lagu Magacaabi jirey Maxamed Xasan Camaar, waxana lagu dilay Suuqa weyn ee Bakaaraha xilli uu Halkaas marayey.

Marxuumka ayaa la sheegay in ay dileen rag ku hubeysan bastoolado kuwasoo durba goobta ka baxsaday, mana jirin cid u soo gurmatay.

Marxuum Camaar ayaa ka mid ahaa dhallinyarada ka timid saddex sanno ka hor dalka Koonfur Afrika, wuxuuna halkaas ku noolaa muddo 20-sanno ka badan.

Wuuxu ah qof hammi badan u lahaa dalka in uu wax u qabto sidda uu soo sheegay Wariye ka tirsan Caasimada Online oo marxuumka ay aad isku yaqaaneen.

Ma cadda ilaa hadda sababta loo dilay hawlwadeenkan ka tirsan Idaacadda Dalsan ee magaalada Muqdisho.

Soomaaliya ayaa ugu horreysa waddamada sidda weyn loogu dilo wariyaasha, waxaana warbixin uu soo saaray sannadkan guddiga difaaca suxufiyiinta adduunka CPJ lagu sheegay in Soomaaliya ay ugu horreyso dalalka suxufiyiinta lagu dilo.

S.D.N/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@qurbejoog.com

Comments are closed