|

Wariye C/Casiis Koronto oo Bari Maxkamad la soo taagi doono Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya

Muqdisho Feb 01 2013 (SDN)– Wariye C/casiis C/nuur Ibraahi oo ay danbi ku soo oogeyn Ciidmada booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa la filayaa sida qorshuhu yahay in la soo taago Maxkamad si ay u kala cadaadto in lagu waayay danbiga loo heysto iyo in lagu helo.

Wasiirka Garoosrka, Cadaalada, Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya oo Idaacadda dowladda la hadlay ayaa waxa uu sheegay in kiiska Cabdi Casiis uu soo dhamaaday islamarkaana bari Maxkamadeyntiisu ay dhaceyso.

Dhawr jeer oo hore ayaa siyaabo kala duwan dib loogu dhigay Maxkamadeyntiisa waxaana hada la filayaa in Bari la soo taago Maxkamad.

Wariye Koronto ayaa Ciidamada Booliska ay xireen markii ay sheegeen in uu baahiyay war been abuur ah oo sheegayay in Ciidamada boolisku ay kufsadeen haweyn iyadana hada gacanta lagu hayo.

Wariyayaasha Muqdisho iyo kooxaha saxaafadda ayaa ku baaqaya in la sii daayo Wariye Koronto waxana ay shegayaan in uu san wax danbi ah la heyn balse Laanta Danbi baarinta iyo booliska ay danbi dusha uga tuurayaan.

SDN-Muqdisho

Comments are closed