Wariye Cabdilaahi Maxamed Cali oo ka tirsan Saxafiyiinta ka hawl gala Wadankan Uk ayaa iska fogeyey eed uga timid shabakada somaliland today
London11Oct14(SDN/QJ) Saxafiga Ruug Cadaaga ee Cabdilaahi Maxamed Cali ee ka hawl gali jiray Tvga qaranka somaliland hadana ka hawlgala TvStar ayaa wax laga xumaado ku sheegay hadal uga yimid Tafatiraha somaliland today Muniir Axmed Cigaal taas oo u shegay wax kama jiraan qoraal uu soo gaadhsiyey shabakada qurbejoog ayaa waxa u qorna sida tan (Waxaan ku soo koobayaa in aanan lahayn eeda uu iska kay saaray , xaasha cid ma necbi, cidna colaad uma hayo, qof xil hayana kuu doono ha ahaadee ama ganacsatoo dalkjoog ah ama dibadjoog ah waxa aan u hayaa xurmo la mid ah kaa aan hayn xil oo qadarin ayey dadku iga wada mudan yihiin.
Nin waliba siduu yahay ayuu kumoodaa. Bal Somaliland eey ila eega ninkaas waa Muniir Axmed Cigaal oo aan lee yahay waar yarkoow joog waaad ku jabi jibada iyo dibirada aad dadka kula jidhayso. Waxase aan uga fadhiyaa in uu cadeeyo, waxa uu iska qoray ee tuu igu eedaynayo isaga ay ka keentay!
Wiixii aan saxaafad ahaan ka hadlayo ee xagayga ka yimaad waan ka badheedhaa sifo laygu yaqaana waan ku soo badhigaa ee yarku tiisa oo kale ma aha taydu.
waxa kale oo uu shegay in dacwad ka dhana uu gudbin dono hayadaha somaliland ka hawl gala dhnaca Boliska .shabakada qurbejoog waxa la soo xidhidhay dad badan oo raba inay ka dhiibtaan rayigooda wayna ka madax banan tahay labada garab ee isku waydarsanaya fariimaha .
Qurbejoog/London