Wariye C/casiis Koronto oo Xakun xabsi ah lagu riday maanta
Muqdisho Feb 05 2013 (SDN)– Maxkamada Gobalka Banaadir ayaa maanta go’aan rasmi ah ka gaartay kiiska wariye C/casiis Cabdi Nuur Ibraahin iyo gabadha sheegtay in la kufsaday.
Garsooraha maxkamada Gobalka Banaadir ayaa ku dhawaaqay in wariye C/casiis iyo gabadha sheegtay in la kufsaday lagu xukumay min hal sano oo xariga ah.
Dacwada wariyaha ee maanta go’aanka laga gaaray ayaa dhowr mar dib ay udhacday iyadoo ugu dambeyn maanta go’aan rasmi ah ay ka gaartay Dowladda Soomaaliya.
Wariye C/casiis ayaa lagu eedeeyay inuu sameeyay falal been abuur ah oo ciidanka Booliiska Soomaaliyeed uu ka been abuuray.
Dadkii kale ee la xirnaa wariye C/casiis oo gaaraye ilaa saddex ruux kale ayaa la siidaayay sida masuuliyiinta maxkamada ay sheegeen.