|

Wargayska Guardian oo Daabacay Maqaal uu Ciwaan uga dhigay “Bariga Dhexe oo Maraya isbedelkiisii siyaasadeed ee ugu muhiimsanaa”

Qahira May 10,2013(SDN)-Wargayska Guardian ee dalka ingiriiska ayaa maalinimadii salaasada  ee todobaadkan waxa uu daabacay maqaal uu kaga hadlay sida ay mandaqadda bariga dhexe xiligan u marayso isbedeladeedii siyaasadeed ee ugu muhiimsanaa tan iyo intii la sameeyey map=ka mandaqadaasi badhtamahii qarnigii labaatanaad ee milaadiga.

Wargaysku waxa uu leeyahay dhacdooyinkii todobaadkii ina dhaafay ka jiray gobolkaasi waxa ay muujinayaan in dagaalka suuriya uu isu sii rogayo iska hor imaad saamaynaya gobolka oo dhan, isagoo wargaysku taas sabab uga dhigay arimo ay ka mid yahiin

Sh xasan Nasrallaah oo sheegay in xisbullaahi ay kaalmaynaso ciidamada bashaar al asad.

Ciraaq oo ay iska hor imaado adagi ku dhex marayaan dad gadoodsan oo sunniyiin ah iyo ciidamada xukuumada Nuuril al maaliki ee aqlabiyadeedu shiicada tahay iyo labadii weerar ee dhanka cirka ee ay israa’iil ka fulisay gudaha Suuriya intaas oo ay soo raacdo kala qaybsanaanta beesha caalamka ee mashaqada wadankaa ka taagan, iyadoo ay Ruushka iyo Iran taageero la dhinac taagan yahiin bashaar al asad, wadamada kale ee maraykanka iyo midowga yurub-na ay cunaqabatayn ku soo rogeen xukuumadda suuriya dhanka kalena ay mucaaradka ku qalabeeyeen hub ay ka mid yahiin qoryaha lidka diyaaradaha

((Suuriya hadda keli kuma ahaa dhibaatada halkaa ka jirta laakiin waxaa la wadaaga dalalka Gobolka, tusaale ahan wadanka Lubnaan oo ay suurogal tahay in cadho ka dhalata hadalka Sh xasan nasrallaah ay keento inay iska hor yimaadaan daa’ifadaha kala duwan)) sidaa waxaa baahiyey wargayska Guardian ee carriga ingiriiska oo sidoo kalena sheegay in khilaafaadka mad-habaha ee ka aloosan dalka ciraaq uu u muuqdo in dalkaasi oo xuduud la leh mandaqadda khaliijka, turkiga iyo Iran uu  noqdo Foosto baaruud ah oo olol ku shidda mandaqadda oo dhan.

isbedelada siyaasadeed ee soo muuqan kara ayaa wargaysku ku sheegay in ay jiraan dad dalbanaya in ciraaq loo kala qaybiyo sadex dawladood oo ay kala xukumaan shiicada, sunniga iyo kurdiyiinta, halka dalka la deriska ah ee suuriya isna ay calawiyiinta talada haysa ee laga tirada badan yahay ay qorshaynayaan inay galbeedka wadanka ka dhistaan dawlad iyaga u gaar ah hadii uu soo gebageboobo xukunka nadaamka bashaar al asad.

Guardian waxa leedahay taariikhda la xasuusan tahay waxa ay cadaynaysaa in mandaqadaas oo muddo dheer ahayd gobol dhaqaale oo bulsho oo furan ay ku wada noolaayeen afar qolo oo kala ah Kurdiyiinta, iiraaniyiinta, Turkiyiinta iyo Carabta.

SDN-Qahira

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed