|

Wargayska Dawlada ee Dawan oo Nashqadayn Cusub lagu Sameeyay Halkan ka Daawo

cumaraarHargaysa 11.June 2014 (SDN/QJ)- Mas’uuliyiinta Wargayska Afka Dawlada ku Hadla ee Dawan Media Group ayaa Shir Jaraa’id oo ay ku Qabteen Xarunta Wargayska Waxay kaga hadleen Isbedelo Cusub oo ay ku sameeyeen Nuqulada Wargaysyada kala duwan ee Dawan.

Gudoomiye ku Xigeenka ahna Tifaftiraha Guud ee Wargayska Dawan Cumar Maxamed Faarax ayaa Sheegay in Mudadii Xukuumadani Jirtay uu Wargaysku ku Talaabsaday horumar kala duwan oo ku saabsan Tayaynta Wararka isla markaana lagu kordhiyay Nuqulo dheeraad ah oo ka badan intii hore .

Dhinaca kale waxa uu Gudoomiye ku Xigeenka Dawan ka hadlay Isbedel hor leh oo ay labadii todobaad ee u danbeeyay ku soo kordhiyeen Nashqadaynta iyo Midabaynta Wargayska.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

 

 

Comments are closed