WarDegdeg ah: Wasiirro Ka Tirsan Waftigii Madaxweynaha Oo Dhaawacyo Ka Soo Gaadheen Shil Gaadhi Oo ay Galeen
Burco:20-March-2014(SDN)-Sida ay Sheegayaan Warar Aanu Ka Helayno Waftigii Uu Madaxweyne Siilaanyo Hoggaaminayey ee Gobolada Bariga Marayey, waxa Qaar ka mid ahi ay Shil ku Galeen Deegaanka u dhexeeya Berbera iyo Burco goor hore oo saaka ahayd.
Wararka ay Qurbejoog.com Helayso ayaa sheegaya in labada Gaadhi ee ay kala Wateen Wasiirrada wasaaradaha Warfaafinta iyo Caafimaadku ay isku dhaceen, xilli ay doonayeen inay isku dhaafaan Waddada ay marayeen.
Labada Masuul ee ee Wasaaradahan ayaa dhaawaca soo Gaadhay aanu ahayn mid sidaas u weyn, waxana wasiir Cukuse Gaadhay dhaawac ku Kooban Gacanta oo burburtay, halka wasiir Xaglo Toosiye uu dhaawaciisu fudud yahay oo ay gaadheen Jugo Koobani.
Waxa kale oo isaguna Halkaas uu dhaawac ka soo Gaadhay Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul oo aanu dhaawcasiiu sidaad u sii weynayn.
Waftigan ayaa sii watay Socdaalkooda, waxana ay Haatan ku soo Dhawyihiin Magaalada Berbera, halkaas oo Xubnahan Dhaawacmayna lagu daweyn doono sida qorushuhu yahay.
Wixii warar ah eek a soo Kordha Shilkaas iyo Socdaalka Waftigaba kala socda wararkayaga Dambe Insha allah.
S.D.N