Warbixin:Xeryaha Barakacayaasha Muqdisho oo la kireeyo iyo musuq kale oo baahsan
Muqdisho Nov 02,2012(SDN)-Warbixin ay daabacday Hay’ada Qaxootiga caalemiga ah ayaa lagu sheegay in maamuleyaasha xeryaha Barakacayaasha ku yaal Muqdisho ay dhacaan raashinka tacadiyona kula kacan qaxootiga.
Warbixinta ayaa ugu baaqday in hay’adaha gargaarku joojiyaan in ay gargaarka ka maamulaan Nairobi,sida lagu xusay warbixinta.
Waxa muqdisho ku yaal xeryo ay ku nool yihiin barokacayaal tiradoodu ay warbixintu ku sheegtay ilaa 184,,000 oo ruux.
Maamuleyaasha xeryahani waa qaar ku xiran ciidamo beeleedyo,dadka dhulka leh iyo siyaasyiin oo waxa ay markaasi awwod buuxda ku maamulaan xeryaha,ayaa lagu yiri warbixinta.
Waxa xitaa dhacda in xeryaha laga saaro barakacayaasha hadii aaney kirada si joogto ah u bixin,ayaa lagu yiri warbixintan.
“Waxa hada ka jira xeryaha waxa lagu micneyn karaa nooc Adoonsiga ka mida”sidaa waxa yiri qoraaga warbixinta Mark Yarnell.
“Barakacayaasha cawdaa waxa soo wejahi kara jir dil guracan”ayuu Mark intaa raaciyay.
Kumanaan Soomaali ah ayaa Muqdisho u soo barakacay iyaga oo ka yaacaya Abaaro,Colaad iyo Macaluul.
Muqdisho oo hada degan ayaaney hadan dadkani weli u soortoobin in ay guryahoodii ku noqdaan,sababo la xidhiidha dhanka kharashka awgood.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com