Warbixin:Soomaalida Norway ku nool oo faquuq dareensan iyo cida ay u aaneynayaan
Oslo Dec 12,2013(SDN)-Warbixin aya daabacday machadka Machadka cilmi baarida Nabada ee PRIO ayaa lagu sheegay in Soomaalida ku nool dalka Norway ay dareensan yihiin in la faquuqo.
Warbixinta oo suaalo weydiisay Soomaalida ayaa sidoo kale xogta ka ururisay hey’adaha dalkaas ee adeegyada u fidisa bulshada.
Soomaalida ayaa dareensan in ay ka quusteen in ay ku dedaalaan in ay bulshada reer Norway ka mid noqdaan.
Cindy Horst oo ka mid ah cilmi baareyaasha ayaa sheegtay in Soomaalidu u aaneeyeen arinkan warbaahinta dalka Norway oo ay u arkaan in ay xog guracan ka baahiso Soomaalida.
Warbixinta PRIO ayaa sidoo kale eegtay dhinacyada kale ee nolosha sida Shaqada iyo Guriyeynta.
Warbixinta ayaa tibaaxeysa in Soomaalida ku nool dalka Norway ay 16% leeyihiin guryaha ay ku nool yihiin.
Tiradaas oo aad u hooseysa kolka loo eego dalka Norway oo badi dadku leeyihiin aqalada ay ku nool yihiin.
In Soomaalidu aqalo laheyn ayaa warbixintu u aaneysay midab takoor ka jira iibka aqalada iyo Soomaalida oo aan dooneyn in ay qaataan amaaho ay Ribo ku laran tahay.
Dhanka shaqaaleyntana 40% Raga Soomaalida ah ee ku nool Norway ayaa shaqeeya Halka 23% ay Haweenku shaqo tagaan.
Soomaalida ayay warbixintu tibaaxday in aaney heysan aqoon ama xirfado ay ku hawlgalaan.
Warbixintan ayaa qeyb ka ah baaritaano lagu sameeyay Soomaalida ku nool todobo ka mid ah magaalooyinka Yurub ugu waaweyn.
Magaalooyinkaa ayaa kala ahaa Oslo,Amsterdam, Copenhagen, Helsinki, Malmö, Leicester, iyo London.
SDN-Oslo
contact@somalidiasporanews.com