Warbixin:Boqolaal Caruur Soomaali ah oo Norway ku dhashay oo Waxbarasho u taga dalkaas dibediisa iyo sababaha keena
Oslo April 09,2014(SDN)-Warbixin ay daabacday Macahdka Cilmi barista Bulshada ee dalka Norway ayaa lagu sheegay in in badan oo ka mida caruurta Soomaalida ee dalkaa ku dhashay in dalal kale waxbarasho loo geeyo.
Warbixintu waxa ay arintaa ku micneysay waalidiinta ubadkaa dhalay oo qaba in waxbarashada dalkaasi aaney kor u qaadin waxbarashada caruurtooda.
Waalidiinta ayaa Caruurtooda u dira dalla ay ka mid yihiin UK,Kenya,Masar iyo Soomaaliya iyo Somaliland sida warbixinta lagu xusay.
Tirakoob lagu sameeyay ardeyda Soomaalida ee Norway u dhalatay ee dalkaas dibediisa wax ku barata ayaa lagu sheegay in ay 1900 oo u dhiganta %13 ardeyda Soomaalida.
Inta badan caruurtaas ayaa dalka keligood ka maqan oo micneheedu tahay in ay waxbarasho ku maqan yihiin.
Hilde Liden oo daabacday warbixinta ayaa sheegtay in Soomaalidu ku keli aheyn qawadka heerka waxbarsho ee dalka Norway balse waalidiinta ka soo jeeda Pakistan iyo Ciraaq ayaa qudhooda caruurtooda dibedda waxbarasho ugu dira,
“Waalidiintu waxa ay aaminsan yihiin in waxbarashada Norway aaney caruurtooda u soo bandhigin xirfadaha asaasiga ah taas oo keenta in ay dalal kale u diraan caruurtooda”ayay tiri Liden.
Liden ayaa sidoo kale aaminsan inkasta oo waalidku waxbarasho wanaagsan u doonaya caruurtooda hadana waxa ay sidoo kale doonayaan in ubadkooda ay bartaan dhaqankooda.
Sidoo kale ayay tiri dekhligooda Norway ayaa u saamaxaya caruurtooda in ay ku noolaadaan nolol wanaagsan oo aaney ku awoodin Norway.
SDN-Oslo
contact@somalidiasporanews.com