|

Warbixin Xiiso Badan Oo Laga Soo Diyaariyey Nolosha ay ku Sugan yihiin Ciidanka Ugand Ee Somalia Jooga Oo Baruur Aawadeed Shaqadii Gudan Kari La’

Muqdisho:07-April-2014(SDN)-Todobaadyo kahor ayey ahayd, markii askari ka tirsan ciidamada AMISOM ee Soomaaliya joogaa uu Wargeyska The Star ee dalka Kenya kasoo baxa u sheegay, in ciidamada AMISOM aanay dani ugu jirin xasillooni ka dhalata dalka Soomaaliya, maadaama ay faa’iidooyin badan ku qabaan, kusii negaanshahooda Soomaaliyana ay uga dhigan tahay inay lacag badan heli doonaan.

 

CALOODhacdadaas oo ay Midowga afrika si weyn uga Cadhoodeen kadib ayey warbaahinta Caalamku waxa ay u Guurgaleen Nolosha Hoose ee Ciidamada Uganda ee ee Ka Tirsan AMISOM.

Warbixin Dheer oo Wargeyska New Vision ee Dalka Uganda ka Qoray Nolosha Ciidanka ayaa Ciwaan Looga Dhigay:Cuntooyin wanaagsan, telefoonno quruxsan iyo dhar nadiif ah….nolosha cusub ee ciidamada Uganda.

Weriye ka tirsan isla wargeyska New Vision oo isagu booqasho muddo labo maalmood ah qaadatay magaalada Muqdisho ku yimid, lana yaabay barwaaqada ay askarta Uganda Soomaaliya ku haystaan, ayaa warbixintan oo ah mid aad u xiiso badan qoray:-

Todoba sano ayaa hadda laga joogaa markii Dowladda Uganda 7,000 oo askarteeda kamid ah ay u dirtay dalka Soomaaliya, si ay uga mid noqdaan howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM, qaar badan oo askartaas kamid ah noloshoodu marna ma noqon doonto sidii ay horay u ahayd.

Wariyaha ayaa ugu horrayn ka Hadlay Dhinaca Cuntada iyo waxyaabaha ay askartu cuntadooda u adeegsadaan, waxana uu sheegay inay Askartu  Ku Quraacdaan  rooti, ukun, sharaab, malab iyo subag. Waxaa sidoo kale intaas u dheer noocyo kala duwan oo shaah iyo kafee ah.

 

Qadada iyo cashada waxay cunaan Posho ama Ugali [oo kamid ah cuntooyinka ay Yugaandhiisku ugu jecel yihiin], bariis ay aad tayadiisu u sareyso, hilibka doorada iyo hilib lo’aad. Xiliyada qaarna waxaa u dheer kalluun, faasuuliyad iyo weliba khudaar.

Af-hayeenka ciidamada Uganda ee Soomaaliya jooga Kol. Paddy Ankunda, ayaa isna sheegay in askarta khasab looga dhigay inay si joogto ah miisaanka jirkooda ula socdaan.

Hoolka cuntada waxaa ku xidhan shaashad weyn oo ay askartu wararka caalamka ka daawadaan xilliga ay cunteynayaan. Waxaa sidoo kale jira qaboojiye weyn oo ay ka buuxaan furud, cabitaano kala duwan iyo weliba biyo sifeysan.

Ciidanka waxaa laga helayaa ugu yaraan xirfad kasta qof khabiir ku ah. Waxaa ku jira sharci-yaqaanno, xisaabiyeyaal, kaal-kaalisooyin, dad yaqaanna IT-ga iyo kuwa kale oo badan.

Waxay leeyihiin kushiino ay cuntada ku karsadaan, iyo weliba dhakhaatiir gaar ah. Dhakhaatiirtaas waxaan ka xusi karaa Captain Betty Akello Otekat, oo iyadu ah madaxa kaal-kaalisooyinka AMISOM, waxay ii sheegtay inay ka diiwaangashan tahay wasaaradda caafimaadka ee dalka Uganda.

 

Ciidanka ayaa intooda badan waxa ay wataan Mobilo qurxoon oo kuwii ugu dambeeyey ee caalamka ah, kuwaas oo shaashadaha laga Isticmaalayo.

Haddiiba uu jiro askari ka tirsan ciidamada Uganda ee Soomaaliya jooga oo aan telefoonka gacanta haysan ama shaashadda TV-ga ee ballaaran aan reerkiisa Uganda jooga u iibin, waxan si fudud u oran karnaa sabab kale uma diidine isaga ayaan dooneyn inuu gato.

Askarta mushaharkooda waxaa qayb kamid ah loo siiyaa hor-maris, qabta hartayna waxay ku kaydsadaan akoonnada ay bankiyada ku leeyihiin.

S.D.N.

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed