Warbixin Xaaladaha Qallafsan ee Bulshada Qorrax Joogga Deegaannada Gubanka “Fuguxo, Shacable, Biyo-cas iyo Sabawanaag” ee lughaya iyo Bullaxaar
Waxa ku dhaqan xeelliga badda ee woqooyiga iyo bariga deegaanka Cabdi-geedi ama xeebta u dhaxaysa deegaanka Ceelsheekh iyo Lughaya ee xarunta degmada Lughaya bulsho xoola dhaqato ah oo boqolkiiba inta badan ah dadka loo yaqaanno qorrax-joog ee sida rasmiga ah u deggan gubanka iyo xeebaha badda gu iyo jiilaal iyo xagaa kastaba.d Anigoo qayb ka ahaa safar shaqo ay hay’adda SAFE ku booqatay deegaanka Fuguxo iyo xeebaha u dhaw ee Lughaya iyo Bullaxaar isla markaana fursad u helay inaan waxbadan oo ku saabsan xaaladaha nololeed ee bulshada qorrax joogga ah u kuurgalo, waxan u arkay inay waajib igu tahay inaan maqaalkan kooban ugaga warbixiyo hay’adaha dawladda JSL ee xilka saaranyahay iyo dhammaan daneeyayaasha kala duwan ee arrintani si toos ah ama si dadbanba u khusayso. Faafka dooxyada Fuguxo, Shacable, Biyo-cas iyo Sabawanaag iyo xawaaxiga ay badda ka galaan waxa ku dhaqan bulsho xoola dhaqato ah oo qorrax joogga aan xeeliga badda iyo gubanka ka guurin. Markaan ka duulo jawaabaha ay odayaasha ayniga ah iyo waxgaradka deegaannadu ka bixiyeen su’aasha ah tirada mujtamaca qorrax joogga dhulkan ku dhaqan, waxan ku qiyaasi lahaa inay ku noolyihiin dadweyne tiradoodu u dhaxayso 3,500 – 5,000 qof. Sida la ogyahay waxa ka dhacday dhulka xeebta ah ee deegaannadadni ku jiraan abaar daba dheeraatay iyadoo aan muddo illaa seddex sano ah aanay qorrax joogu helin guyaadii iyo roobabkii jiilaalka ay heli jireen taaso dad iyo xoolaba saamayn xun ku yeelatay. Haseyeeshee, bulshada qorrax joogga ah ee ku dhaqan xeebaha Fuguxo, Biyo-cas, Shacable iyo Sabawanaag waxay noqonayaan kuwa ay xaaladoodu ugu liidato marka saamaynta abaarta ay raacday dayacnaan badan oo marka horeba ka haysatay dhinacyada adeegga nolosha ee muhiimka ah. Waxa boqolkiiba 60% inka badan ka baxay xoolihii ay dhaqanayeen ee gaar ahaan adhiga oo ka sokow abaarta iyo xaalufka u li’day xanuuno iyo cudurro ku dhacay iyagoo ay ka warameen odayaasha deegaannadani inaanay waligood arag Wasaaradda Xanaanada Xoolaha JSL iyo cid kale oo daryeel caafimaad xoolaad uga timaadda dawladda iyo hay’adaha kaleba. Waxay ku jiraan dadkaasi xaalad dhaqaale darro oo qallafsan, waxana laga dareemayaa oo korkooda ka muuqata gaar ahaan dumarka hooyooyinka ah iyo/ama uurka leh iyo carruurtaba nafaqo darro. Waxa ugu dhaw adeeg caafimaad xarumaha xanaanooyinka Bullaxaar tusaale Fuguxo/Biyo-cas uga jira 27-30km-35 dhanka galbeed iyo Lughaya illaa 40km dhanka bari ee xeebta siday u kala xigaan balse labaduba ka fog Waxay ka warameen dadkaas qorrax joogga ahi in xaaladda daryeel caafimaad la’aantu ay tahay dhibaatada ugu weyn, isla markaana ay sannad walba haween badani u dhintaan kaalmo la’aan xilliga dhalmada. Hooyo Faadumo Muuse Bile oo toban carruur ah leh una hadashay dumarka ayaa nooga warantay in gabadh la odhan jiray Xaawa Yaasin Yuufis oo dhawaan oo intii lagu maqnaa gurmad loogu cararay xanaanada Bullaxaar geeriyootay ay ugu dambaysay dumarka daryeel la’aan xilligii uurka ama dhalmada dhintay. Waxa kale oo ay ka warantay Faadumo inay jiraan dumar u badan ugub oo uur leh iyo hooyooyin carruuri jaqdo oo nafaqo darro hayso, kana tirsan qoysas wada danyar iyo faqiir ah. Dhammaan bulshada deegaannadan ayaa ka cabba ceelal aan dhisnayn oo aan daboolayn oo dadka iyo xayawaanka kale ee duurjoogta ahi si u wada isticmaalaan. Bulshada dooxa Biyo-cas ayaa xilligaa aannu u tagnay ka cabbayay ceelasha aan dhisnayn waxanay nooga warameen inay cabbaan biyo aan ku habboonayn isticmaalka dadka oo aan nadaafad iyo fayadhawr lahayn, isla markaana adag oo carruurtu ku bukoodaan. Sidoo kale, isticmaalka ceelashan aan qodnayn ayay dhibaato iyo hawl badani ka haysataa dadweynaha iyagoo ah ceelal iska dumaya oo aan dhisnayn. Bulshada qorrax joogga xeebta ayaa sidoo kale ka dayacan adeegga waxbarashada, waxana waayay xuquuqdii waxbarasho boqolaal carruur ah oo ayniga dugsiga gaadhay. Waxa ka jira tuulada Fuguxo waab ay waxku bartaan carruurta deegaanka Fuguxo iyo Biyo-cas kaasoo uu aas’aasay Ganacsade Maxamed X. Sicii walina ka taageero hal macalin, waxannu u baahanyahay adeegaasi in dayactir iyo horumarin lagu sameeyo. Waxa nooga warbixiyay odayaasha deegaanka Fuguxo/Biyo-cas deegaanka Hadayta oo kaliya loo sameeyay dugsi ballaadhan balse uu dumay halkaasoo ay immika carruur ka badan boqol ay waxku bartaan geed hoostii. Dadweynaha deegaannadan ayaa ka warbixiyay inaanay waligood ka helin wax gurmad raashin iyo taakulayn kale ah dawladda JSl iyo hay’adaha samafalka sannadahan abaaruhu dhaceen iyo intii ka horraysayba. Dhamaan odayaasha iyo dadweynaha aannu la kulannay ayaa noo caddeeyay inaanay wax saamayn waxqabad ah ku lahayn deegaannada xeebta wasaaradaha dawladda JSL iyo hay’adaha samafalkuba, isla markaana ay jirin wax looga qabtay dhinacyada adeegga bulshada ee muhiimka ah iyo kaalmooyinka kaleba. Ka sokow inaan la dafiri karin in muwaadiniinta qorrax joogga ah ee deegaanadan xeebta ay dulmanyihiin , waxa hadana loo sii anayn karaa sababaha ugu waaweyn inay ka midyihiin deegaannadan oo ka mid ah dhulka xayiran ee aan laga codayn iyo waddo la’aan iyadoo wadada isku xidha Bullaxaar – Cabdi-geedi iyo Lughaya ay kor ka marto halka ay qorrax jooggu sida dhaqankooda ah ay degganyihiin xeelliga iyo meelo aanu qofka aan aqoon u lahayni ka fikirayn inuu bulsho badan iyo deegaanno rasmi ah ugu takayo. Dhinaca kale, waxay dadka qorrax joogga ahi sida dhaqankoodu yahay ku noolyihiin masaafe u jirta 50-100m ugu badnaan haddii aanay meelaha qaar halka xooluhu fadhiistaan uga dhawayn intaas biyaha badda ay ka qatanyihiin ee ay gaajo iyo nafaqqo darro uga dhimanayaan khayraadka iyo nimcada ay jaarka la yihiin boqolaal sano. Sababtoo ah, ma garanayaan xirfadda kalluumaysiga, haddiiba ay jiraan xubno waxka yaqaanna ma haystaan shabaag iyo waxay ku kalluumaystaan, sidoo kalena waxa aad u hooseeya wacyiga bulshada ee ku aadan ka faaiidaysiga khayraadka badda iyo xeebaha. Dhalinyaro aannu kula sheekaysannay ceelasha Biyo-cas dushooda iyo tuulada Fuguxo ayaa sheegay inay jecelyihiin barashada xirfadda kalluumaysiga haddii la bari lahaa iyo haddii ay heli lahaayeen qalabka kalluumaysigaba. Ma jiro wax door ah oo ay qurbajoogga Somaliland ama gaar ahaan ka soo jeeda deegaannadaas ay u qabteen bulshada qorrax joogga ah xataa wakhtigan dambe ee abaaruhu dhaceen haddii aanay door ku lahayn mucaawino kooban oo ay odayaashu sheegeen in mar Djibouti uga timi. Sidaa darteed, waxan usoo jeedin lahaa Wasaaradda JSL ee gaar ahaan Caafimaadka, Biyaha, Waxbarashada, Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga iyo Deegaanka, Kalluumaysiga inay qorshayaashooda waxqabad wakhtiga dhaw iyo sannadka dambeba ku darsadaan in wax loo qabto bulshada qorrax joogga ah ee xeebaha kor ku xusan ku dayacan iyo inay guud ahaan xukuumadda JSL iyo hay’adaha samafalkuba u tixgeliyaan noockasta oo gargaar aadminimo iyo taakulayn loo fidin karo bulshada tabaalaysan ee ku dhaqan deegaannada kor ku xusan. Waxa muhiim ah in la kala saaro arrimaha ku saabsan xayiraadda deegaannada ay ku jiraan xeebaha kor ku xusan iyo barmaamijyada gargaarka aadminimo iyo samafalka ee dawladda iyo daneeyayaasha kaleba u qaban karaan dadkeenna baahan ee qorrax joogga u badan oo gobol kastaba dadweyne iyo dawladba looga gurmado wax u qabashada bulshooyinka dhaqaalaha darradan, isla markaana aan haysan adeegyada nolosha ee caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha fiicani ku jiraan, sidoo kale aan xirfad iyo tamar u lahayn khayraadka badooda ay qarniyada badan ku noolaayeen. Ugu dambayntii, waxan u mahadcelinayaa Axmed Maxamed Maxamuud oo ah sarkaal mutadawac ah oo u shaqeeya hay’adda SAFE, Cabdi Axmed Yuusuf, Mahad Bile Cali iyo dhammaan odayaashii waaya aragga qorrax joogga ahaa iyo haweenkaba iyo dhammaan intii xogta warbixinta naga siisay xaaladaha jira iyo qaab nololeedka bulshada xeebaha ku dhaqan. Xasan Afgaab hassanafgaab@gmail.com 4081527 30th Sept, 2012