|

Warbixin soo bandhigtay dhibaatooyinka Dawooyinka Dumarku isku Cadeeyaan iyo sababaha Dumar badani u isticmaalaan

Minneapolis Aug 22,2013(SDN)-Warbixin ay daabacday Jaamacada Minnesota ayaa lagu soo bandhigay dhibaatooyinka Dawooyinka la isku cadeeyo iyo sabahahbaha Dumarka ku kalifa is Cadeynta.

Warbixintan oo ay wax ka qortay haweeney Soomaaliyeed oo la yidhaahdo Aamina Cadaawe ayaa ka wareysatay dhawr dumar ah sababaha ku kalifa isticmaalka Dawooyinkan.

“Si aad u noqoqto Haweeney Soomaaliyeed oo Qurux badan waa in aad Cadaataa”ayay tiri Amina Cadaawe oo warbixinta wax ka diyaarisay.

Dumarkan warbixinta diyaarinteeda loo waeystay ayaa sheegay in ay isku daraan ilaa dhawr ka mid ah Chemicalskan la isku cadeeyo.

Sida lemon herbal whitening cream, lulanjina, diana iyo dermovate oo qaarkood ay ku jirto sunta mercury oo waxyeelo u geysata dareemayaasha.

“Suntana mercury waxa la xaqiijiyay in ay waxyeeleyso ubedka uurka ku jira kolka haweenka uurka lihi ay isticmaalaan,sidoo kale waxa ka dhashay canbaar,midab doorsoon iyo xanuuni kale”ayaa warbixinta lagu yiri.

“mecuryda waxa ubedka hooyadu ugu gudbin kareysaa kolka ay nuujineyso”ayaa sidoo kale lagu xusay warbixinta.

Haweenka Soomaaliyeed ayaa dhawr sababoodba u isticmaala chemicaladan dhibaatooyinka waaweyn leh.

Haweenka ayaa chemicalskan u isticmaala in ay isaga baabi’iyaan finanka ka soo yaaca kolka ay uurka leeyihiin ama umusha.

Qaar kale oo faro badana waxa ay u isticmaalaan in ay isku qurxiyaan oo ay midabkooda uga dhigaan mid cad oo raga soo jiita.

Aamina Cadaawe ayaa hore uga shaqeeysan in aan chamicalskan lagu iibin dukaamada Soomalaida ee Minneapolis.

Chemicalskan ayaa ka mamnuuc ah Mareykanka isla markaana waxa halkaa lagu geeyaa si qarsoodi ah.

Isticmaalka Chemicaliskan ayaan ku koobneyn uun haweenka Soomaaliyeed e waxa iyaguna isticmaala haweenka Spanishka,bariga dhexe Asia iyo kuwa Mareykanka Madoow.

Si kastaba ha ahaatee waxa warbixintu ay soo jeedisay in warbaahinta kala duwan loo mariyo fariimaha sharaxaya khatarta chemicaliskani u leeyihii Dumarka iyo ubadkoodaba.

SDN-Minneapolis
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed