|

Warbixin la Xidhiidha 15-jir Somaliyeed Oo Taayir Diyaaradeed Saarnaa 5-Saacadood iyo Halkii ay ku Dambeeyeen Dadkii Hawshan ugu Horreeyey

California:24-April-2014(SDN/QJ)-Waxa Warbaahinta Caalamku ayaamahan si weyn u hadal haysaa Wiil 15-jir ah oo lagu sheegay inuu Soomaali yahay, kaas oo muddo shan saac ah ku jirey Taayirka Diyaarad  Hawada ku jirtey.

satDiyaaradda ayaa la sheegay inay Hawada u gashay 12000mitir, iyadoo waliba ay Hawadu aad u qaboobayd oo neefsashadu ay yarayd.

 

Wiilkani  ayaa doonayay in uu usoo safro Soomaaliya si u soo arko  hooyadiis  sidaasi waxa laga soo xigtay ilo wareed dhanka nabad galyada qaabilsan oo maraykanka ah.

 

Wiilka oo ay da’diisu tahay 15 sano jir  ma uu ogayn halka  ay diyaaradu u socotay  kaliya waxaa ka go’neyd in uu soo aado wadanka soomaaliya, waxaana uu isku qanciyay inuu raaco diyaradda ugu dhow ee tiillay  gudaha garoonka diyaaradaha ee sanjose  gobolka xeebta  galbeed ee  kalifoorniya,  dalka mareykanka .

 

Sida ku  cad baadhitaanka,   wiilka ayaa  galay mid kamid ah taayarada wareegsan ee diyaaradda   saqdii dhexe ee habeenkii axadda ahayd ee la soo dhaafay .

 

Diyaaradani ayaa nuuceedu ahaa  Boen 767 waxaana ay u diiwaan gashaneyd  in ay ka duusho   kalifoorniya  oo ay ku dagto madaarka  Hawaii ee isla dalka mareykanka .

 

Afhayeen u hadlay  sharikadda laga leeyahay diyaaradani  ayaa tilmamaay in  shaqaalaha diyaaraddu  ay indhaha ku dhufteen willkani yar kadib markii ay diyaaradu soo cago dhigatay garoonka Hawaii .

 

Durbadiiba waxaa su’aalo weydiin wiilka ku bilaabay laanta danbi baaraista  dalka mareykanka  oo markii dambe  wiilka u gudbiyay kooxaha  bixiya  adeegyada daryeelka caafimaadka  oo sheegay qudhoodu in wiilku uusan waxba qabin caafimaad ahaanna aad u wanaagsanyahay .

 

Waxu uu sheegay wiilku in uu gurigooda ka soo dhuuntay  islamarkaana uu ka soo booday  darbiga garoonka  diyaaradaha san jose .

 

Ninka afhayeenka u ah  laanta danbi baadhista mareykanka   tom simo  oo hadlay waxaa uu sheegay in  wiilkani uu yahay mid nasiib badan  madaama uu ka samata baxay qatar weyn .

 

laga soo bilaabo sanadkii 1974  waxaa la diiwaan galiyay kiisaska dad gaaraya  105 qof  oo isku dayay in ay ku  safraan gudaha taayarada diyaaradaha 94 safar dunida oo dhan halka saamiga  suurta galnimada badbaadada dadkaasi ay ahayd 24 boqolkiiba.

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbjegoog.com

Contact@qurbejoog.com

Comments are closed