|

Wararkii ugu danbeeyay ee xiisadda Somaliland ka taagan

Hargeysa. 9 August, 2022 (QJ)-  Xukuumadda Somaliland waxay sii wadaa xadhiga masuuliyiinta iyo taageerayaasha xisbiyada mucaaradka ee Somaliland, iyadoo saacadihii lasoo dhaafay xabsiga loo taxaabbay masuuliyiin iyo taageerayaal ka tirsan Isbahaysiga Mucaaradka Somaliland.

Masuuliyiinta iyo dadka illaa hadda ay xidhay xukuumaddu waxa ka mid ah: 1. Xoghaye Yuusuf Nuux Yuusuf Tadhase- Xoghayaha Ciyaaraha & Dhalinyarada ee Xisbiga WADDANI. 2. Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex ee Xisbiga WADDANI Mudane Mawliid Kayse Muxummad. 3. Mudane Xassan Cabdi Maxamed Dugulo, Xubin Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI ahaana Murashax Golaha Wakiilada ee Gobolka Maroodijeex. 4. Mudane Mukhtaar Yuusuf Axmed (Mingiste)- Xubin Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI. 5. Mudane Yuusuf Cali Cismaan, Xubin Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI.

Xadhigan ayaa yimi kadib abaabul xoogan oo ka socda magaalada Hargeysa iyo dhammaan goboblada dalka, kwuaas oo lagu dhigayo dibad bax maalinta Khamiista si dadku ay muujiyaan dareenkooda doorasho doonka, waa doorashada madaxtooyada ee ku mudaysan 13 November, 2022.

Murashaxa madaxtinimada xisbiga Waddani, iyo gudoomiyyaaasha xisbiyada mucaaradka ah ayaa ka hadlay xadhigan iyaga oo sheegay in aanay marna is hor taagi doonin dibad baxyada ay dhigayaan xadhiga ay xukuumaddu kula kacayso masuuliyiinta iyo xubnaha firfircoon ee taabacsan Isbahaysiga Mucaaradka Somaliland.

Xukuumadda Somaliland waxay aqbashay in dibad baxyada la dhigo, balse lama oga in lasii dayn doono dadkii loo xidhay abaabulka dibad baxyadaas.

Ogolaanshaha xukuumadda ayaa yimi kadib kulan maanta Hargeysa gaar ahaan wasaaradda arimaha gudaha ku dhex maray xubno lix ah oo ka tirsan golaha wasiirada ee Somaliland iyo madax ka socotay xisbiyada mcuaaradka Somaliland oo uu hor akcayo gudoomiyaha xisbiga mcuaaradka ah ee UCID, eng Faysal Cali Xuseen.

Maalinta berri ah ayay sii socon doonaan wada  hadalada lagu dejinayo qaabka ay u dhacayaan dibad baxyadu, iyadoo laamaha ammaanku ay qayb ka noqon doonaan kulanka beerri.

Guud ahaan Somaliland, waxa ka socda abaabulka dibad bax la dhigayo maalinta Khamiista ee todobaadkan.

Mucaaradka Somaliland waxay dalbanayaan doorashada madaxtooyada oo wakhtigeeda lagu qabto, balse xukuumadda ayaa rabta xisbio cusub oo la gala doorashadaas sida uu madaxweynuhu sheegay marar badan, uguna danbeeyay hadalkii uu ka sheegay Dararweyne 20 July 2022.

Comments are closed